Dawlada Imaaraadka carabta oo saldhig ciidan ka samaysanaysa Berbera

Warar soo baxaaya ayaa sheegaaya in Dawlada Imaaraadka carabtu qorshaynayso inay saldhig ciidamada Badda iyo Cirka ka dhisato Magaalada Berbera, markii  bishii September ay heshiis la saxiixatay masuuliyiin katirsan Maamulka Somaliland oo booqday Dalkaas.

Sida lagu daabacay jariirada ka faaloota arimaha sirdoonka ganacsiga ee lagu magacaabo shephardmedia oo fadhigoodu yahay Magaalada London waxay Somaliland ku wareejisay Dalka Imaaraadka mudo 25 sano ah oo la kordhin karo dhul baaxadiisu yahay 40km oo kaabiga ku haya Dekadda Berbera iyo garoonka diyaaradaha.

Somaliland ayaa heshiiskan ku badelan doonta tababaro iyo qalabayn uu Imaaraadku siin doono ciidamadeeda, waxaana lagu wadaa inuu dhawaan bilaaban doono dhismaha saldhigan cusub.

Masuul u hadlay Maamulka Somaliland ayaa qiray inuu jiro is afgarad arintaas la xiriira balse uusan jirin heshiis rasmiya oo labadda  Dhan weli dhex maray.

Lama oga sida ay arintan u arki doonto Dawlada Federaalka ee Soomaaliya oo Maamulka Somaliland u aqoonsan mid kamida Dawlad gobaleedyada hoosyimaada Dawlada dhexe iyo Puntland oo ay 20-kii sano ee ugu danbaysay siweyn ugu muransanaayeen Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.

PUNTLAND POST