Dalka Nigeria oo lagu qabtay bariis caag laga sameeyey

palsu

Dawlada Nigeria ayaa shaacisay in Dalkeeda lagu qabtay Bariis laga sameeyey caag ama bac, masuul u hadlay Dalkaas ayaa sheegay inay qabteen 2.5 tan oo bariiskaas ah, wuxuuna baaq u diray Dadka Nigeria inay ka feejignaadaan.

Laanta adeegyada macaamiisha Dalkaas ayaa falkan ku eedaysay ganacsato damiirlawayaal ah oo aan ka naxayn Dadkooda.

Haruna Mamuda oo ah madaxa sharciyeynta alaabta lasoo geliyo Magaalada Lagos ayaa sheegay in Bariiskan la doonaayey in la iibiyo inta lagu guda jiro dabaaldegyada.

“Bariiskaan wax yaabaha lagu garan karo waxaa kamida in marka la kariyo uu dheg-dheg yeelanaayo, waxaana garan kara Alle un wixii dhici lahaa hadii shacabku cuni lahaa ayuu yiri Haruna Mamuda”

Bariiska ayaa ah cunada ugu badan ee lagu cuno Dalka Nigeria iyo inta badan Dalalka Qaarada Afrika, waxayna Dawlada Nigeria qayb kamida Bariiskaas u dirtay shaybaar si loo ogaado nooca caaga laga sameeyey.

Maahan markii ugu horaysay oo la qabto Bariis caag laga sameeyey , sanadkii hore ayaa sidan oo kale loogu qabtay Dalka Shiinaha.

Meelaha Bariiska iyo cuntooyinka aan la baarin sida aadka looga cuno waxaa kamida Soomaaliya, waxaana la aaminsan yahay in xanuunada Dalka kusoo badanaaya tan iyo markii ay dhacday Dawladii dhexe 1991 ay ka yimaadeen cuntooyin caafimaadkoodu liito oo Dalka lasoo geliyey maadama uusan Dalku lahayn shaybaar casriya.

PUNTLAND POST