Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay qaybo kamida Puntland

Bosaaso(Puntland Post)-Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay degaano katirsan Puntland oo ay waayadii danbaba si weyn u saamaysay abaar baahsan, wararka ka imaanaya Gobalada Bari, Nugaal iyo Karkaar ayaa sheegaaya in xalay ay degaano kamida ka da’een roobab ay Dad iyo duunyabo si weyn ugu diirsadeen.

Degaanada ay roobabku ka da’een waxaa kamida Magaalada Bosaaso oo saacado xiriir uu hayey roobku, Magaalada Qardho, Bayla, Xaafuun , Baargaal, Uuskure, Garmaal iyo degaano kale oo katirsan Gobalada Nugaal, Bari iyo Karkaar ayaa waxaa ka da’ay roobab aad u wanaagsan qaarkoodna ay illaa iminka da’ayaan.

Waxaa maanta guud ahaan Gobalada Puntland laga dareemayaa Jawi roobbaad, xili la saadaliyey in ay ku soo wajahan yihiin roobab xoogan, roobka badidiisa ayaa iminka u badan dhul xeebeedka kulaala labbada badood ee Hindiya iyo gacanka Cadmeed.

Dawlada Puntland ayaa maalmo kahor Dadka ugu baaqday inay isaga baxaan dhulka biyo mareenka ah sida togaga iyo Dooxooyinka maadama la sadaalinaayo roobab xoogan oo laga yaabo in qaarkood ay dabaylo wataan.

Roobabkan ayaa kusoo aadaya xili ay degaanadan ka jireen abaaro baahsan ayna xoolaha iyo Dadkuba la ildaranaayeen biyo iyo baad la’aan.

 

PUNTLAND POST