Manchester City oo afka Ciida u Dartay kooxda Arsenal Kadib Ciyaar Xiiso Badan

Ciiyar xiiso badan oo katirsan Preimer League dalka Ingiriiska ayaa xalay dhexmartay kooxaha Manchester City iyo Arsenal, Manchester City ayaana guul soo laabasho dahabi ah gaadhay ka dib markii ay 2-1 ku garaacday.

Ciyaartaan oo aheyd mid xiiso badan islamarkaasina xifaaltan oo ka dhaxeeyay Macaliinta Manchester City iyo Arsenal ee  Guardiola iyo Winger

Ciyaartaan ayaa waxa ay ka dhacday Garonka Etihad Stadium oo ay ku Ciyaarto kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska.
Goolka Waxaa daqiiqadii 5-aad la hormartay Asrenal waxaana u dhaliyay Theo Walcott kadib markii uu caawin Wanaagsan uu ka halay Saaxiibkiis Alexis Sanchez.
Macalin Guardiola ayaa la arkayay isga oo wal wal badan uu soo wajahay markii Goolka looga hormaray hayeeshee wax walba waa ay isbadaleen.
Ciyaarta ayaa waxaa la aaday nasiinada iyada oo ay Hogaanka heeyso Arsenal oo u muuqatay mid meel sii dhigatay Guusha.
Qeeybtii Dambe Ee Ciyaarta Ayaa Manchester City Waxa ay la soo gashay Dar Daro Xoogaan iyada oo Neefta uu ka Fujiyay Manchester City Leroy Sane oo dhaliyay Goolkii bar baraha Daqiiqadii 47-aad Ee Ciyaarta.
Kooxda Arsenal ayaa waxaa quusiyay Raheem Sterling Daqiiqadii 72-aad Kadib markii Gool uu soo shaqeeystay Dhalkiyay.
Ciyaarta ayaana ku dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Manchester Cit iyada oo soo fadhiisatay kaalinta 2-aad ee kala horeeynta horyaalka Ingiriiska.
Hoos Ka Daawo Sawirada.
1482077476235_lc_galleryimage_arsenal_s_english_midfiel 1482078095159_lc_galleryimage_manchester_city_s_ivorian 1482079227145_lc_galleryimage_arsenal_s_french_manager_ 1482081065768_lc_galleryimage_britain_football_soccer_m 1482081110304_lc_galleryimage_britain_football_soccer_m cz-bv7jxcaammig cz-r0rqwqaa9cuo cz-r1htxcaax0qy cz-ruisxaaee3lg cz-rwcfxgaq2b7d cz-sy7oxgaa16-5 cz-wdalxcaac2s7-1024x701
PUNTLAND POST