Bosaso:- Kuxigeenka 3aad Booliska Puntland oo dabley dhaawacday

Saxardiid Jaamac Cabdi oo Bosaaso lagu toogtey
Saxardiid Jaamac Cabdi oo Bosaaso lagu toogtey

Bosaaso(Puntland Post)-Waxaa goor dhawayd rag hubaysani ku toogteen Magaalada Bosaaso taliye ku-xigeenka 3-aad ee Booliska Puntland gaashanle dhexe Jaamac Saxardiid Cabdi.

Dhaawaca taliye ku-xigeenka oo culus ayey wararku sheegayaan inay toogteen rag bistoollad ku hubaysan oo isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana dhaawaca taliyaha la dhigay Isbitaalka weyn ee Magaalada Bosaaso.

Jaamac Saxardiid Cabdi oo ku sugnaa agagaarka Hotel Madiina ayaan wax ilaalo ah wadan xiligii la toogtay.

Magaalada Bosaaso ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amaanka wanaagsan Soomaaliya wallow Puntland waayadii danbaba ay dagaalo kula jirtay kooxo xag-jira.

La soco wixii kasoo kordha warkan

PUNTLAND POST