Xarun isboortis oo Casri ah oo Gaalkacyo laga furay

Magaalada Gaalkacyo ee xarun gobolka Mudug waxaa laga hirgaliyay xarun isboortis oo casri ah oo lugu magacaabo Himile Fitness And Youth Centre.

Waxaa loo dhisay hab-casri ah,waxaana ay ka kooban tahay xarunta Himile Fitness And Youth Centre garoomo kubadda cagta, kolayga, meherado lagu caweeyo, goobo lagu jimicsado iyo maktabad buugaagta lagu akhristo.

“Xaruntan waxaan ugu tala-galnay inay qayb ka noqto korinta maskaxda dhallinyarada gobolka,waxaana lugu dhammeystiray dhamman adegyadda isboortiska iyo jirdhiska oo ay dheeryihiin goobo wax lugu akhriyo iyo kuwa lugu nasto,”sida waxaa yiri Maxamed Jeelle oo ka tirsan hay’adda PUNCHA oo ka warbixinayay xarunta Himile Fitness.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo,Maxamuud Yaasiin Tumey oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta furintaanka xarunta ka qayb-galay -wuxuu sheegay inay qayb ka noqonayso xarunta isboortiska iyo jirdhiska ee Himile Fitness horumarada ka jira magaalada Gaalkacyo.

“Mar walba waxaan ku dhiiri-galin dadka reer Gaalkacyo inay qayb ka noqdaan dadaallada lugu xarumarinayo degmada,xaruntana waxaa ay qayb muhiim ah ka qaadanaysa horumarka ay gaaraysa Gaalkacyo,”ayuu yiri duqa Gaalkacyo.

Sidoo kale Dr Cabdiqaadir Maxamuud Jaamac (Dhaga-cadde) oo ka mid aha mas’uuliyiinta furitaanka xarunta lugu casuumay,wuxuu sheegay inay tani dhiiri-galinayso hirgalinta mashaaric waa weyn oo wax tar u noqonaysa bulshada gobolka.

Wuxuu sheegay Dr Dhaga-cadde magaalada Gaalkacyo inay caan ku ahayd dhallinyarada,xilligana ay xaruntan qayb ka qaadanayso sidii loo kobcin lahaa caafimaad ahaan iyo masxak ahaanba dhallinyarada gobolka.

Guddoomiyaha isboortiska gobolka Mudug,Cabdi muuse Salwe oo hadlay isna wuxuu u mahadceliyay cid-walba oo qayb ka ahayd hirgalinta xaruntan oo u ku sheegay inay kor u qaadayso isboortiska gobolka,wuxuu inta ku darey inay soo dhaweynaaan cid walba oo dooneysa inay ka qayb-qaatado horumarinta dhallinyarada gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii,xarunta Himile Fitness And Youth Centre waxaa lagu daah-furay koob loo dhigay 4 kooxood oo ka tirsan heerka labaad ee magaalladda Gaalkacyo,waxaana ku guuleystay koobta oo abaal-marin la siiyay koox ka socotay xaafadda horumar ee magaalada Gaalkacyo.

g1

g3

g4

g5

g6

g7

g8

g10

g11

g12

g13

g14

g15

g16

g17

g18

g19

PUNTLAND POST