Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay heerka ay marayso Abaartu

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 December 2016 ka hadlay heerka ay marayso abaarta baaxadaleh ee ka jirta Puntland, kadib waraysi uu siiyey warbaahinta caalamiga ah.

Warbaahinta caalamiga ee uu Madaxweynaha Dawladda Puntland siiyey waraysiga ayaa waxa ay kala ahaayeen Al-jazeera, Al-carabiya,  Al-mayaadiin,  Aanadol Agency, AFP iyo Writers, sidoo kale waxaa joogay warbaahinta gudaha dalka ee af soomaaliga ku hadla.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlaya abaarta ka jirta Soomaaliya Gaar ahaan Puntland ayaa sheegay inay tahay mid aad  u daba dheeraatay isla markaana saamayn xoogan ku yeelatay dadka yo duun yada.

‘’xaalada abaareed ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan puntland waa mid saamayn xooga ku yeelatay dadkii iyo duunyadiiba, xoolihii badan koodu waa ka dhamadeen dadka reer guuraaga ah, dadkiina waa ay soo xeroodeen badan koodu iyagoo imanaya degmooyinka iyo tuulooyinka Puntland, abaartan ka jirta Puntland waxa ay u baahan tahay xal, talabadaa koowaadna waa mid ah runtii in dad lala soo gaadho macaawimo deg deg ah Biyo, Cunto iyo Daawo, tan labaadna waxaa weeyey sidii  looga gaashaaban lahaa abaartan soo laalaabatay xal waarana looga gaadhilahaa’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.  

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadalay doorka ay Dawladda Puntland ka qaadatay gurmadka loo fidinayo dadka abaartu saamaysay eer Puntland, isla markana waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu gaar siyeen gurmad kala duwan meelo badan oo kamida Puntland taasoo aan wax badan ka kaafinayn  dadka abaartu halakaysay, sidoo kale madaxweynaha ayaa tibaaxay in  Dawlada Puntland  iyo shacab keeduba aysan ka daali doonin dedaalka iyo gurmadka loofidinayo dadka abaartu  saamaysay.

Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin Haay’adaha  ku hawlan arrimaha bini aaadantinimda abaarta baaxadaleh ee ka jirta Puntland.

‘’Bishii February ee sanadkan 2016 ayaanu ku wargeliney haay’adaha dalka inay ka jirto abaar baaxadleh kana sii darnaan karto,  ilaa iminka  waa diyaar garoobayaan wax jawaabana kama hayno badan kooda wax yar mooyaane, qaarkood waxay aaminsan yihiin ilaa abaartu gaadho macaluul inaanay wax gargaara ka gaysan Karin dadka baartu saamaysay ee gurmadka loo fidinaayo’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa baaq u diray umada Soomaliyeed, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo haay’yadaha ku hawlan arimaha bini aadantinimada in ay ka soo qayb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka abaartu saamaysay.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFIN WACYIGELIN HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.img_9247 img_9263 img_9267 img_9272 img_9274 img_9277