DAAWO 12 jir fariin culus u diray Reer Puntland iyo Soomaalida

Garowe (Puntland Post):- Mustafe yarre oo ka mid ah Ardeyda dhigata dugsiga dhexe ee Sheekh Osman , ayaa  fariin adag u diray shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeed ka dib markii uu uga qeybgalay maalin ka hor magaalada Garowe olole balaaran oo ku saabsan Gurmadka Abaaraha ka jira Puntland, Ka hortaga Tahriibta iyo Xoojinta Nabadgalyada.

Mustafe oo khudbad dareen xambaarsan ka horjeediyay boqolaal dadweyne ah, masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Madax ka socota Hay,addaha Samafalka iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaa ka sheekeeyay dhacdo murugo leh oo qoyskooda kasoo gaartay tahriibta, ka dib markii uu sheegay in walaalkii ka weynaa oo ahaa curadka reerkooda uu ku geeriyooday doon ku degtay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Dalka Talyaaniga.

Sidoo kale Mustafe yarre ayaa ugu baaqay shacabka Puntland iyo Ummadda Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan, una istaagaan sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalahooda ay saameysay abaarta ka jirta Puntland,Halka uu kula dardaarmay inay si wada jir ah shacabku uga gacan siiyaan ciidamada Amniga xoojinta Nabadgalyada.

PUNTLAND POST oo ay si gaar ah u xiiso galisay khudbada uu fagaaraha ka jeediyay Mustafe Yarre waxaa u suuro gashay  in aanu halkan idin kula wadaagno hadalka Mustafe oo maqal iyo muuqaal ah.

DAAWO Khudbada MUSTAFE.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST