Muhiimada Internetku u Leeyahay Ganacsiga

Waxaan jecelnahay idanka Alle inaan qoraalkan ku soo gudbino faa’iidada uu internetku u leeyahay ganacsiga guud ahaan iyo gaar ahaanba sida ay uga faa’iidaysan karaan isticmaalkiisa. Waxaan ku bilaabaynaa taariikh kooban oo aaladan casrigaa ku saabsan.

Taariikhda Internetka oo Kooban.

Internetka aynu maanta naqaano ee caalamka oo dhan loo wada bogay, waxtarka weyn laga helay, howlo badan fududeeyey wuxuu ka dhashay tartan ka dhexeeyey laba quwadood oo caalamka ka jiray wixii ka danbeeyey dagaalkii 2aad ee aduunka.

Internetku wuxuu salka ku hayaa abuuristiisa arimo ciidan iyo iska celin dawladda Maraykanka ay raadinaysan hab ay isaga celiso awooda Ruushka taas oo ka dhalatay markii Ruushku ama midowgii Sofiyeedka ay cirka u direen dayax gacmeedkii la oran jiray Sputnik 1 sanadku markuu ahaa 1957. Taas oo ka dhigtay Sofiyeedka inay awood xaga isgaarsiinta iyo xog helida ciidan ay kaga hor marayso awoodii kale ee markaa caalamka ka jirtay ee Maraykanka iyo xulafadiisa NATO.

Taas iyada oo laga hor tagayo ayaa Maraykanka wuxuu bilaabay inuu helo maadaama cirkii looga hor maray  hab kale oo  ciidankoodu  ku gudbistaan xogahooda ciidan taas oo aan cidna markaa arki karin ama dareemi karin.

Shaqadii iyo maalgelintii iyo caqligii laysugu geeyey abuurida isgaarsiintaa qarsoon ama horumarsan ayaa waxay dhashay in la dhiso Internetka oo laysku xiro qalabka isgaarsiinta oo leh kumbuyuutar, radiyow, satilite  iwm. In la helo aalad casriyaysan oo ka kooban  noocyo qalabyo kala duwan ah iyo waayiro lana dhiso borogaraamo xogta ka qaada meel ama kumbuyuutar (server) geeyana kumbuyuutar (server) kale iyada oo aan la dareemin ama la arki karin habka qoraalka ama isgaarsiinta laysugu gudbinayo.

Aaladda ama xogta samaynta Internetka waxa ay ku koobnayd oo keliya Jaamacado khaas ah, taliska ciidanka Maraykanka, iyo mac’hado/ jaamacado ku yaal qaybo ka mid ah Europe oo howsha cilmibaarista arinkaan casrigaa qayb ka ahaa.

Hadaba muddo kadib markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa, ayaa farsamadii internetka waxaa la arkay in looga faa’iidaysan karo xagga bulshada iyo dhaqaalaha sidaa awgeedna waxaa la ogolaaday in shirkadaha ganacsiga iyo shacabka loo bandhigo oo ay markaa la eego in dhinacayada horumarka looga faa’iidaysto aaladan sirta markii hore lagu abuuray.  Xiliga la bilaabay in siyaabo kale looga faa’iideysto aaladan cusub ee internetka waxay soo bilaabatay horaankii 1970kii.

Internetku xiligaa  weli ma noqon wax sidaas u hana qaada oo shirkaduhu ay daneeyaan in kastoo ay bilaabatay in la maalgashado wixii ka bilowday horaankii 80aadkii oo inta badan ay ka qayb qaateen shirkadaha isgaarsiinta oo u isticmaalayey internetka inay ku xiraan kumbuyuutarada si markaas qoraalada laysugu gudbiyo iyada oo la isticmaalayo khadadka  cod laliyaasha ka sakow nidaamka wadahadalka ee isgaarsiinta halow halow ay ku dhisnayd wakhtigaas hore.

Farsamadan waxay ku salaysnayd in qoraalkii oo cod ah ama qoraal ah la diri karo iyada oo la isticmaalayo aalada cusub ee Internetka iyo tan isgaarsiinta ee telefoonka oo laysku xiray taas oo ah in kumbuyuutarka lagu xiro khad telefoon oo markaa qoraalka sidaas uga qaada oo ugu gudbiya qofka  kale ee fadhiya kumbuyuutar meel kale yaal.  Inta ay labada kumbuyuutar isu jiraan way kala duwanaan kartaa wayna koobnayd wakhigaa.

Internekta xilligaa jiray wuxuu ku koobnaa fariimo qarsoon oo markii la diro u baahan in borogaraam kale soo akhriyo oo ka dhigo wax qofka ay fariintu u timi akhrin karo, borogaraamadaas oo fara kala duwan iyo luuqado kala duwan ku qornaa ayaa waxay sababtay in Internetku uu noqdo wax ku kooban oo keliya Jaamacadaha iyo Machadada cilmi baarista oo keliya oo ku ekaa magaalooyin kooban oo dalka Maraykanka dhexdiisa ah iyo dhowr kale oo Yurub ku yaalay.

Tusaale fariintakumbuyuutar Jarmani yaal laga soo diro oo Faransa loo soo diro waa in lagu soo akhriyaa borogaraam  kale oo bedela habka fariinta loosoo diray u qoran tahay ama u taal oo Faransiis kumbuyuutarka yaal ku jira oo markaa loo soo akhriyo si khubarada ay u fahmaan una akhriyaan fariinta la soo diray iwm.  Qoraalkasta oo xiligaa la diro wuxuu u baahnaa in borogaraam kale uu tarjumo si markaa loo akhrin karo oo kumbuyuutarka lagala soo baxayo kujira. Ma jirin luuqad dhexe oo dhamaan internetka qaababkiisa kala duwan iyo luuqadihiisa kala duwan isku si u muujisa oo u soo bandhigta.

Hadaba Internetka aan hada naqaano waxa uu hirgalay markii Engineer Ingiriis ah oo dhalin yaro ah oo ka shaqeynayey machadka cilmibaarista Europe ee CERN 1989kii uu soo saaray warqad uu ku soo bandhigayo hab cusub oo Interdnetka lagu hor marinkaro, qoraalkana ka dhigaya mid si caadi ah qofka qoraya/daabacaya  iyo kan akhrinayaba ay uwada arkaan sidaasna ku gudubta oo qofkii ay u socotay ugu tagta meel kasta oo uu caalamka ka joogo iyada oo aan loo baahnayn in borogaraam kale la qoro si loo soo akhriyo ama kumbuyuutarka ay timi u fahmo.

Wixii intaa ka danbaysay Internetka  aynu maanta naqaano ayaa bilowday, waxayna ahayd May 1990 markii lagu dhawaaqay in uu soo baxay waxa loo yaqaan World Wide Web (WWW)  iyo HTTP protocols oo sahlay in Internetka noqdo goob qof kasta uu wax ku qori karo kuna soo bandhigi karo qoraal iyo sawiro si sahlan loo fahmayo.

Abuuristii  Dr. Tim Benard-Lee ayaa noqotay tan ugu weyn ee internetka ka dhigtay aalad caalami ah oo cid walba ka faa’iidaysato ilaa hadana miraheeda la guranayo.

KADIB 1990.

Soo saaristii World Wide Web (WWW) waxay dhalisay in Internetka qof kasta uu si sahlan u adeegsado,  wax ku qoro, ku ganacsado, ku siyaasadeeyo, wax ku barto iwm. Waxaa bilaabatay 1994/5 in shirkadihii ugu horeeyey ee ku dhisan online ay bilowdaan oo ay samaysmaan sida shirkada weyn ee Amason, E-bay iwm, isla markaasna  ay hirgasho in lacag laga sameeyo Internetka iyo dhaqaale.  Waxaa kaloo iyana bilowday in shirkadaha caadiga ahaa ee horey u jiray, laamaha dowladda iyo cidkasta ay samaysato boggag Internet oo ay fariimahooda ku soo gudbiyaan iyo ganacsigooda, fikirkooda, waxqabadkooda, ra’yigooda, siyaasadooda iwm.

Shirkadaha maanta caalamka ka jira intooda badan waxay leeyihiin boggag internet oo iyaga u gaar ah, hadey ahaan lahaayeen kuwa guud iyo kuwa si khaas ah loo leeyahayba. Waxaa kaloo soo baxay shirkado ku dhisan Internetka oo ganacsi ka sameeya sida Amason.com, www.google.com, www.yahoo.com, ww.paypal.com,  www.e-bay.com www.alibaba.com , iwm.

Shirkado kale ayaa jira oo iyagana Internetka ka ganacsada maaliyad badanna ka sameeyey iyaga oo u muuqda inay bilaash yihiin sida www.facebook.com, www.twitter.com iyo kuwa  kale  oo badan . Waxaa intaa sii dheer kuwa kale oo badan ayaa jira oo xiriir internetka la leh sida What’s up, Instagram  oo inta badan mobile ka ku shaqeeya iwm.

FAAIIDADA INTERNETKU U LEEYAHAY GANACSIGA

Hadaba si looga faa’iidaysto aaladan cusub waxaan eegaynaa bal faa’iidooyinka internetku ganacsiga guud ahaan u leeyahay.

Faa’iidooyinka Internetka ganacsiga u leeyahay waxaa ka mid ah:

  1. In aad hesho meel aad ku gudbiso nooca ganacsigaaga, ku soo bandhigto shirkadaada waxa ay qabato, gado, sida loola soo xiriiro iwm.
  2. In aad hesho hab aad ku gaarto macaamiil fara badan oo ka baxsan inta aad sida caadigaa u aragto maalin walba, internetku wuxuu sahlay inaad la ganacsato dad ka fog meesha aad joogto kumana xirna joqoraafi iyo dhul cayiman ee cidkasta caalamka ayaad gaari kartaa
  3. U fududeynta macaamiisha inay kula soo xiriiraan, kaa adeegtaan iyaga oo aan gurigooda ama goobtooda shaqo ka soo bixin. Internetku wuxuu sahlay in aad macaamiishaada adeega ku siiso iyaga oo aan goobta ganacsi iman, si sahlan ayey dalabka ama macluumaadka ula soconayaan kuuna soo weydiinayaan.
  4. Inaad alaabta ama adeega ku gado Internetka naftiisa. Waxaad yeeli kartaa in dadku alaabta aad hayso ay ka iibsadaan Internetka lacagtana ay ka bixiyaan, adiga oo dukaankii iyo bakhaarkiiba kuu furan yahay caadiga ahaa, tana waxay ku siinaysaa inaad alaabo badan iibiso si sahlan dakhligaagana kor u kaco iyo inaad xarumaha qaybtood ee faa’idada badan aadan ka helin iska xirto oo ay kuu bedesho qaybta ganacsiga Internetka.
  5. In aad gebi ahaanba waxa aad gadeyso ama adeegaaga uu noqdo internetka oo keliya oo aysan jirin meel macaamiisha kale oo ay alaabta ka gadan karaan internetka mooyee taasna shirkaddo badan ayaa sameeya sida shirkadda caankaa ee Amazon.com, E-Bay, Alibaba iyo kuwa kale oo fara badan.
  6. Waa xafiis ama meherad kuu furan saacad kasta iyo markasta oo aan seexan. Sidaa awgeed macaamiisha ama dadka ganacsigaaga ku xiran, goorta ay doonaan ayey adeegan karaan ama akhbaarta heli karaan, kula soo xiriiri karaan iwm.
  7. Internetku wuxuu kuu sahlayaa inaad adeegaaga sii wanaajiso oo aad dadka macaamiisha websiteka ugu qorto warbixino dheeraad ah oo ay u baahan yihiin adiga oo u sheegaya marwalba waxa ay danaynayaan, badeecadaada sida loo isticmaali karo, wixii fiiro gaar ah iwm.
  8. Websiteka shirkaddu wuxuu soo kordhinayaa magac iyo sumcad, sababtoo ah shirkadda waxa ay qabato iyo macluumaad dheeraad ah oo loo baahan yahay ayaad kusoo bandhigaysaa bogga internetka ee shirkadda, dadka dibad iyo gudana waxa ay ogaanayaan shirkadan inay tahay mid jirta oo casriga la socota oo horumarsan marwalbana la heli karo.
  9. Wuxuu sahlayaa bogga internetka ee shirkaddu in macaamisha ay helaan hab fudud oo ay shirkadda kula soo xiriiraan, ku cawdaan, ku muujiyaan waxa ay jecel yihiin iyo waxa aysan jeclayn ee ku saabsan shirkadda iyo adeegeeda guud ahaan iwm.
  10. Hadii aad waxbarashada ku jirto, internetka ama bogga internetka wuxuu kuu noqon karaa meel wax laga barto oo ardada ay machadka ama iskuulka, ama jaamacada wax ka bartaan iyaga oo internetka keliya kala socda oo aan galaaskii caadiga ahaa soo xaadirin iwm.
  11. Hadii meheradaadu ay tahay goob qofka balan u baahan yahay sida cusbitaalada iyo goobaha safarada bogga internetka wuxuu noqon karaa meesha dadku ka soo dalbadan adeega ay rabaan balantana ku qabsadaan ayna fududaato in xarunta caafimaad ama xafiiska safarada uu ogyahay hadba tirada dadka ah ee u imanaya maalin walba ama xili kastaba iwm.

Kow iyo Tobankaa  qodob ayaan ku soo koobeynaa faa’iidada websiteku u leeyahay shirkadda ama ganacsiga guud ahaan, lama soo koobi karo faa’iidada aalada internetku ay ku soo kordhisay caalamka, isbedelka internetku keenay aalad taariikhda la sameeyo oo isbedelkaas oo kale keentay ma jirto inta la ogyahay, muddo 20 sano ka yar ayaa internetku caalamka oo dhan wax ka bedelay sida loo wada xiriiro, sida loo ganacsato, sida fariimaha laysu dhaafsado iyo sida wax loo iibsado iwm.

Mudada yar ee Internetku jiray sida uu u saameeyey isbedelka caalamka oo dhan cid islahayd sidaas ayuu u bedelayaa ma jirto, qolada khubarada ahna waxay leeyihiin ma saadaalin karno isbedelka internetku 5 sano ee soo socota sida uu noqon doono iska daa inaan saadaalino 10 sano iwm. Taas waxay ku tusinaysaa in aaladan ku bilbaatay sirta iyo cid iska celi ay maanta marayso lama la’aan karo oo la’aanteed caalamka sidee ayuu ahaan lahaa?.

Waxa marka la gudboon ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha dowligaa iyo kuwa khaaska ahba inay ka faa’iidaystaan internetka ayna samaystaan bogagag internet oo ganacsigooda iyo howlahooda ku soo badhigaan hadii kale waxay noqonayaan kuwa laga tegay oo caalamka ka haray.

Waxaan isku dayeynaa anaga oo ah shirkada Ramaas Software ltd in aan qoraalo kale oo qaybo kala duwan oo ku saabsan Internetka iyo adeegsigiisa aan soo saari doono insha Allah.

Qore: Siyaad Cali Yuusuf

Garowe, Puntland-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *