Natiijooyinkii Kulamadii Xalay ee Champions league-ga

Kulamadii xalay
Kulamadii xalay

Waxa xalay la ciyaaray kulamo ka tirsan dhamaadka Group-yada koobka horyaalada qaarada Yurub ee Champions league-ga, waxana soo dhamaystirmay Afar Group oo ka mdi ah sideedii group, kuwaas oo iska xadiriyay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga.

Napoli ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Group B halka Benfica ay kaalinta labaad ku dhamaysatay. Kooxda Arsenal ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Group A kadib markii ay PSG babraro 2:2 ah la gaashay kooxda Ludogorets, Barcelona ayaa iyana booska kowaad ku dhamaysatay Group C halka ay Man city ku soo baxday booska labaad.

Kulamadii Ugu Adkaa

Group-A

Basel 1-4 Arsenal

Arsenal ayaa guul wayn ka soo gaadhay kooxda Basel iyada oo kulankan uu saddexley ka dhaliyay Lucas Perez halka l Alex Iwobi uu raacsaday goolka afraad waxaana goolka calanka u dhaliyay kooxda martida loo ahaa ee Basel xidigeeda Seydou Doumbia.

Paris Saint-Germain 2-2 Ludogorets Razgrad

Ludogorets ayaa ku dhagtay kooxda Paris oo gashay kaalinta labaad, inkastoo kooxda martida loo ahaa dhlisay goolka barbaraha waqti-dambe.

Ángel Di María iyo Edinson Cavani ayaa dhaliyay labada gool ee barbaraha kadib markii Virgil Misidjan iyo Wanderson kooxda Bulgaria hogaanka u dhiibeen.

Group-C

Barcelona 4-0 Borussia Mönchengladbach

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 10aad ee UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, hal ayuuna ujirsaday xalay inuu gaaaro record goolasha ugu badan tartankaaan laga dhaliyo wareega group-yada oo uu hore usameeyay Cristiano Ronaldo.

Arda Turan ayaa dhaliyay hat-trick markaasoo Barcelona style wanaagsan ku dhameysatay ciyaarta, Gladbach ayaa hore u xaqiijisatay booskeeda ay ku ciyaareyso tartanka UEFA Europa League.

Manchester City 1-1 Celtic

Ciyaaryahanka Amaaahda ah oo ay leedahay kooxda City Patrick Roberts ayaa shabaqa koxdiisa soo taabtay isagoo katirsan Celtic ka hor inta Kelechi Iheanacho soo barbareyn, natiijadaan ayaa City siineysa kaalinta labaad ee Groupka C.

Group-D
Bayern München 1-0 Atlético Madrid

Robert Lewandowski ayaa laad xor ah ugu xaqiijiyay kooxdiisa guusha ay garoonkooda kaga gaaareen kooxda Atleti  Madridoo aan wax shuurt toos ah sameyn kulankaan.

.Kooxihii usoo baxay wareega 16-ka ee Champions league-ga

Group A (Arsenal iyo Paris Saint Germain)

Group B (SSC Napoli iyo Benfica)

Group C (Barcelona iyo Man city)

Group D (Atletico Madrid iyo Bayern Munich)

1

2

3

4

5

6

7

8

9

PUNTLAND POST