Hay,adda Wadooyinka Puntland oo xariga ka jartay dhismaha 56 Km Wadada Wadaagsin

Hay’adda waddooyinka Dowladda Puntland ayaa xarigga ka jartay 56 KM oo ka mid ah wadada Wadaagsin ee isku xiriirisa Deegaan Xeebeedka Garacad illaa Degmada Golgodob ee Gobolka Mudug, taas oo qeyb ka ah ballanqaadkii Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Odayaasha Degmada Jariiban dhexmaray kal hore, oo ahaa inay gacan ka geysan doonto Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas dhismaha Wadada Wadaagsin.

Dhismaha 56- Kilo Mitir oo la dhigay caro tuur oo ay weheliso 30 Kiilo Mitir oo dheeraad ah oo Iyana lagu sameeyay laangooyo iyo toosinta halka uu mari lahaa jidku ayaa maalin ka hor xariga looga jaray Deegaanada Buubi iyo Seemade oo ku yaala inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garacad ka dib markii ay halkaas gaareen wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Dowlada Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan.

Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa sheegay in dhismaha wadadan qeyb ka tahay balanqaadkii horey u dhex maray Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” iyo Bulshada Deegaanka, wuxuuna sheegay  inay xariga laga jaray dhismaha  56 KM oo ka mid ah wadada Wadaagsin iyo 30 Km oo dheeraad ah oo ay Hay,adda Wadooyinku ku samaysay Laan-gooyo iyo Toosinta halka uu marayo dhabuhu.

Eng Maxamuud Cabdinuur ayaa mar kale sheegay inuu qeyb ka noqonayo qorshahani dadaaladii lagu doonayay sidii looga miro dhalin lahaa hadafkii ahaa PUNTLAND HA ISKU TASHATO , wuxuuna sheegay Gudoomiyaha PHA inay ka qeyb qaateen dhismaha wadada Dowlada Puntland, Bulshada Deegaanka, iyo Jaaliyaddaha Dibada, Halka uu sheegay inay iska lahayd dhamaan fulinta shaqadan Hay,adda Wadooyinka Puntland ee (PHA).

img_9856Dhinaca kale Qaar ka mid ah Odoyaasha Deegaanka iyo Maamulka Degmada Jariiban oo ka hadlay munaasabada xariga looga jaray dhismaha qeyb ka mid ah wadada Wadaagsin ayaa uga mahadceliyay sidey uga dhabaysay Dowlada Puntland balanqaadkii dhex maray sanadkii hore 2015.

Dhamaan gadiidkii, qalabkii iyo shaqaalihii Hay,adda Wadooyinka ee ka qeyb qaatay dhismaha wadada Wadaagsin ayaa loo soo wareejiyay sidii ay uga howl-gali lahaayeen Dayactirka Jidka dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo gaar ahaan qeybta dowladu ku leedahay oo ah diyaarinta wado ay isticmaalaan gadiidku inta ay socoto shaqada lagu dayactirayo laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo.

Wadada Wadaagsin oo dhismaheedu socday muddo dhowr sano ah ayaa hadda ku jirta barnaamijyada isku tashiga dadweynaha iyo dawladda Puntland ee PUNTLAND HA ISKU TASHATO, waxaana inteeda badan lagu dhisay qorshaha Isku tashiga oo ah mid aan cidna ku tiirsanayn.

1 2 3 4 6 7 8 9

img_9815 img_9820 img_9821 img_9831 img_9847 img_9849 img_9853 img_9854 img_9856 img_9861 img_9862 img_9864 img_9865 img_9868 img_9871 img_9874 img_9876 img_9880 img_9890 img_9892 img_9894 img_9896 img_9897 img_9898 img_9900 img_9902 img_9903 img_9910 img_9912 img_9913Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST