Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho Soo gaaray

Waxaa Magaalada Muqdisho Soo Gaaray Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Eng C/Xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Cameey.

Wafdigaan Ayaa oo Ka Kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa sidoo kale waxaa Wehliya Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Puntland.

Wafdiga ayaa Durba Markii ay soo gaareen Gudaha Garoonka Aadan Cadde Waxa ay kulan la qaatay Madax Ka socoto beesha Caalamka.

Wafdiga Dowlada Puntland Ee soo gaaray Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan Madaxda Dowlada Somalia iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Puntland ayaa Ka soo horjeeystay Go’aanka ahaa in Muqdisho lagu qabto Doorashada Xubnaha Gobolada Woqooyi Gaar ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho