Diyaarad Drone ah oo ku soo Dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee looyaqaan Drone-ka ay ku soo dhacday duleenka geeganka Bariire oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Dadka deegaanka Bariire ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaaradu xalay dul heehaabaysay deegaanka ay markii danbe ku soo dhacday dhul beereed ku yaala deegaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan diyaaradaasi Drone-ka ah ayna soo bandhigi doonaan muuqaalo iyo sawiro muujinaaya diyaarada soo dhacday.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay diyaarado Drons ah oo ku soo dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

PUNTLAND POST