Chelsea oo Guul ka soo Gaadhay Manchester City

Kooxda Chelsea ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka soo gaadhay kooxda Manchester City oo ay Etihad Stadium marti ugu ahayd, kulan ka tirsanaa horyaal England ee Premier League-ga.

Chelsea oo qeybtii hore lagu hogaaminayay 1-0 oo uu difaacooda Gary Cahill goolka iska dhaliyay, ayay hadana weeraryahanada Willian, Costa iyo Hazard dhinaca kale u rogeen natiijada ciyaarta 1-3 ka dhigeen.

Danka kale Costa iyo Willian ayaa goolashooda ugu dabaal degay xuska ciyaartoydii reer Brazil ee shilka diyaaradeeda ku geeriyooday.

Chelsea ayaa sii dheeraysatay hogaanka Premier Leaque-ga iyagoo guulaysatay 8 kulan oo xidhiidh ah, waxayna muujisay sida ay u tahay kooxaha ugu cad cad  horyaalka.

Kulanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay labada macalin ee cusub Guardiola iyo Conte iskaga hor yimaadaan.

PUNTLAND POST