Bossaso: 388 Arday oo ka Qalinjabiyey Jaamacadda Bariga Africa

Bosaso (Puntland Post):-Munasabadan Oo Lagu Sagotinayay Arday Garaysa 388 Kuwasi oo Ka Baxay Kuliyadaha Kala Duwan Ay Jamacadda Bariga Afrika Xarunteda Bosaso Bixiso.

Munasabada Ayaa Ahayd Mid Si Wayn Loosoo Agasimay Waxana Ka Soo Shaqeyay Maamulka Jamacada Ardayda Jamacada Ka Baxday Iyo Shirkadaha Ganacsiga ee Bosaso Ku Yaala.

Jamacadda Bariga Afrika Ayaa Soo Sartay Aqoonyahaniin Wax Taray Bulshada Somaliyeed Kuwasii Oo Qarkood Ay Hada Ka Mid Yihiin Xilidhibanada Aqalka Hoose Somaliya.

Dr Aadan Sheikh Doon Cali Gudomiyaha Jamacada Bariga Afrika Ayaa Ka Warbixiyay Ardayda Jamacada Ka Badxay Ee Dhameysatay Aqoonti Jamacadeed waxaana uu sheegay intiradoodu dhantahay388 arday oo isgu jira wiilla iyo gabdho ku waas oo mudo wax ka barnayey Jaamacadda Bariga Afrika Faredeeda Boosaso.

Xildhibaan Cabdinasir Siciid Muuse Oo Ka Mida Xilidhibanada Aqalka Hoose ee Somaliya Ku Soo Baxay Kana Mid Ah Mirihii Jamacadda Bariga Afrika Soo Sartay Ayaa Shegay Inuu La Shaqayn Doono Ardayda Iyo Jamacada.

Maxamed Siciid Xaay Oo Ka Mida Ardayda Ka Baxday Kuliyada Cafimaadka Ayaa Shegay Inay Waxay Barteen Umada Ugu Shaqayn Donaan.

Garaad Cabdilahi Maxamuud Dacar Ayaa Umada Somaliyeed Ugu Duceyay inuu Abaarta Ka dulqado Dowlad midaysana Siiyo.

Duqa Degmada Bosaso Eng Yaasin mire Maxamuud iyo Gudomiye Ku Xigeenka Labaad ee Gobalka Bari Mudane Axmed Xaaji Maxamuud  Ayaa Si Wada jira U Shegay Inay Ardayda La Shaqayn Donaan.

Wasiirka Kalumaysiga Iyo Khayradka Bada Puntland Cabdinuur Bile Biindhe Waxa uu Shegay In Dowlada ,Shirkadaha Iyo hayadahad  Laga Rabo Inay Shaqo Siyaan Dhalinyarada Waqtiga Badan Galiyay Waxbarashada ee xiligan qaar kamid ah ay taharib galeen kadib markii ay shaqo waayen.

Jamacada Bariga Afrika Ayaa Xiriiro Kala Duwan La soo Sixixatay Jamacaddo Kala duwan Kuwasi oo Gudaha Dalka iyo Dibada Ka Howl Gala Waxana Sidoo Kale Ay Soo Sartay Arday Aqoontoda Ku Anfacay Umada Somaliyeed.

32

26

55

1617304918332043452824251053525046

Xuquuqda sawiradd, Maxmed   Cismaan  Damdam

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSAASO.