Sh. C/qaadir Cali Cumar oo loo Diiday in uu kaa Qeybgalo Doorashada Cadaado

Wararka ka imaanaya magaalada cadaado ayaa ku waramaya in Shiikh C/qaadir Cali Cumar loo diiday in uu ka qeyb galo doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya ee xiligaan ka soconeyso magaalada cadaado.

C/qaadir Cali Cumar ayaa waxa uu sheegay in is hor istaag ay ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida islamarkaana isaga iyo beeshiisaba lagu war geliyay in aysan ka qeyb galeyn doorashada.

C/qaadir Cali Cumar oo hore kaga mid ahaa Xildhibaanada waqtigooda idlaaday islamarkaana lagu tiriyo in xariir dhow uu la leyahay Shiikh shariif shiikh axmed, ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha Galmudug uu mas’uul ka yahay doorashada maanta laga celiyay in uu ka qeyb galo.

Dhinaca C/qaadir Cali Cumar ayaa  waxa uu madaxweyne Xasan sheikh ku eedeyay in uu fara gelin uu ku hayo doorashada ka socoto magaalada cadaado islamarkana mas’uul magaaladaasi uu ugu yahay Madaxweynaha Galmudug.

PUNTLAND POST