Kooxaha Tahriibta oo usoo wareegay Puntland

Bosaso (Puntland Post):-Boqolaal waalidiin ah oo isaga kala yimid Gobolada Puntland iyo Qeybo kale oo ka mid ah Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Bosaso , si ay uga daba-tagaan waxna uga ogaadaan caruuro ay dhaleen oo kooxaha wax u tariibiya dalal ku yaala Qaarada Yurub ay si xawliya uga daabulayaan bilihii lasoo dhaafay dhalinyaro iyo caruuro aan qaangaarin xeebo ku yaala Gobolka Bari ee Puntland.

Kooxaha wax tahriibiya ayaa hindisay marinkan cusub ee Gobolka Bari ka dib markii Dowlada Itoobiya adkaysay in si sharci daro ah looga gudbo xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, waxayna durbadiiba taasi keentay in da,ayar iyo caruur aan qaangaarin inay ka daabulaan kooxaha wax tahriibiya xeebo ku yaala Gobolka Bari.

Waalidiinta gaaray Bosaso ayaa ku dhaliilay laamaha amniga inay daawanayaan khatarta cusub ee ay Puntland ula soo wareegeen kooxaha wax u tahriibiya dalalka ku yaala Qaarada Yurub, waxayna sheegeen in kooxahan ka bilaabeen daabulka tahriibta goobo dadka oo dhami yaqaano oo ku yaala xeebaha Gobolka Bari, waxayna walaac xoog leh ka muujinayaan waalidiintu dhabahaan oo ah mid ka khatar badan marinkii horre ee tahriibta oo u badnaa dhanka dhulka,balse midkan uu uga duwan yahay safar adag oo dhanka badda ah , BOSASO, YEMEN, SUDAN, MASAR,LIIBIYA ilaa YURUB.

Mid ka mid ah Waalidiinta oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa qeylo dhaan xoog leh ka keenay saldhigyo waaweyn oo ay ka samaysteen Puntland kooxaha wax u tahriibiya dalalka Yurub , wuxuuna sheegay in xeebaha ku yaala Gobolka Bari soo buux dhaafiyeen doonyo habeen iyo maalin ka daad gureynaya caruurtii iyo dhalinyaradii Puntland iyo Soomaalida kale.

Haddaba PUNTLAND POST ayaa ku hawlan soo gudbin xaqiiqo ku saabsan saldhiga ay ka samaysteen xeebaha Puntland kooxaha wax u tahriibiya Qaarada Yurub iyo Khatarta cusub ee soo korortay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.