Cumar Cabdirashiid oo Xildhibaanada Jubbaland kala hadlaya Sidii Ay u Dooran Lahaayeen

Ra’iisul-wasaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Dhanka kalena Ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo Ee Soomaaliya ayaa xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo.

Ra’isilwasaare Cumar ayaa  Magaalada Kismaayo  kulan uu kaga dhaadhicinayo xildhibaanada labada aqal ee dhawaan lagu doortay Magaalada Kismaayo Siyaasaddiisa Musharaxnimo waxaa uu magaaladaas kula leeyahay Xildhibaanadaasi.

RW Cumar ayaa kulan Casha sharaf ah  oo aan looga yeerin  warbaahinta  waxaa uu Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo uu kula yeeshay  Xildhibaanada Labada aqal ee lagu doortay Magaalada Kismaayo,Xubno la dhacsan siyasaddiisa iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii ay xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha ay codkooda u siin lahaayeen Mudane Cumar C/rashiid oo hadda isagu noqday musharxii ugu horreeyey ee la kulma xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee hadda la doortay si uu uga dhaadhiciyo inay codkooda siiyaan.

Waxaa jiro warar xaqiijinaya in Kulankaan xubanaha labada aqal ee uu la kulmay RW cumar oo sheegay in kulankan uu yahay mid horay loo qorsheeyey abaabulkiisuna uu maalmahaan ka socday magaalada Kismaayo ayna ka shaqeynayeen xubno ka tirsan maamulka Jubbaland.

PUNTLAND POST