Kooxdii qabsatay Qandala oo kusii durkaysa degaano hor leh oo katirsan Gobalka Bari

Qandala, Puntland Post:- Wararka ka imaanaaya degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in kooxda uu hogaaminaayo wadaadka lagu magacaabo Cabdiqaadir Muumin oo xambaarsan fikirka kooxda la baxday Dawlada Islaamka(Daacish) ay bilaabeen inay qaybo kamida dagaalyahanadooda u daad gureeyaan degaano hor leh oo katirsan Gobalka Bari.

Dadka degmada Balidhidin ayaa xaqiijiyey inay degaankaas kusoo dhawaadeen maleeshiyaadkan hubaysan, waxayna si aada uga welwelsan yihiin inay kooxdaasi ay gudaha usoo galaan degmada.

Goob-jooge magaciisa ka gaabsaday ayaa Puntland Post u xaqiijiyey inuu arkay sadex gaari oo ciidamo u wada dhanka Balidhidin kadibna ay mar kale arkeen iyagoo faaruqa oo dib ugu laabaanaya halkii ay ka yimaadeen oo ah degmada Qandala, waxaana loo malaynayaa inay ciidamo geeyeen degaano aan ka fogayn degmada Balidhidin.

kooxdan ayey dadka degmada Qandala iyo degaanada ku xeeran sheegayaan inay u socdaan raxan-raxan aysana jirin illaa iminka cid ay degaanka wax yeelo ugu geysteen.

Goobaha ay kooxahani ku sugan yihiin ayaa ah dhul buuralay ah oo kulaalaya badda gacanka cadmeed, Dawlada Puntland ayaa dgeaanadaas u dirtay Ciidamo aan sidaas  u badnayn oo u badan Ciidamada Badda, mana jirto wax talaabo ah oo ay illaa iminka qaadeen.

PUNTLAND POST