Sidee ku Guulaysan karaa Hanaanka Isku Tashiga Gurmadka Abaaraha Puntland?

Waxaa muuqata in badi Gayiga Soomaaliyeed ay ka jirto abaaar baahsan, taas oo dad iyo duunyaba saameysay. Boorka iyo siigada ka kacaya dhulkii xoolo  daaqsimeedka ahaa, Baqtiga xoolaha ee dooxiyinka wadhan, tabar yarida, daalka, asqada  iyo dun xumada xoolaha inta naftu ku jirto ka muuqata,  gaajada, dihaalka, oonka dhalan rogey muuqa xoolaha dhaqatada ayaa sawir buuxa iyo qeexitaan ku filan ka bixinaya baaxada, qalafsanaanta iyo saameynta Abaartan.

Abaartani waxay ka dhalatay roobkii deyrta oo la waayey, iyadoo sanadihii lasoo dhaafay helitaanka roobku uu xadidnaa. Dhulka qaarkii saddexdii sano ee la soo dhaafay ma helin roob ku filan, dhibaatooyinkii biyo la’aanta iyo carshin yarida oo ururey ayaa maanta xaalka gaaarsiiyey heer khatar, walaac iyo cabsi badan leh.

Dabeecadda Juqraafiyadeed ee Alle siiyey Soomaaliya ayaa ah mid leh  labo xilli roobaad   sanadkiiba.  Hadda waxaa dhamaad ah xilligii deyrta, roobna weli lama helin. Sunanta Alle ee kownigaa oo isbedeshaa waa halkeeda, saadaashuse waxay tahay wixii roob la fishaa waa roobka gu’ga oo ku beegan Bisha 4aad ilaa bisha 5aad ee sanadka soo socda. Tani waxay ka dhigan tahay 6 bilood oo abaar ah inaynu waajahayno. Runtiina waa xalad adag, haddii uusan Alle u gargaarin umadiisa dhibaataysan. Fariinta roob la’aantani waa dagniin iyo seenyaale Rabi noo iftiimiyey  si aan wax ugu qaadano, waana muhiim in aynu Alle u laabano.

Talo bixin ku aadan sida hanaanka gurmudka abaaruhu ku guulaysan karo.

Si loo yareeyo saameynta abaarta ee dad, duunyo iyo deegaanba, waa muhiim in la helo qorshe howleeed dhameystiran kuna waqtiyeysan ugu yaraan lixda bilood ee soo socota; December 2016 illaa May 2017.

  1. Hanaanka Gurmadka Abaaraha.

Soomaaliya ma leh habdhismeedka ka digista iyo u diyaar garowga musiibooyinka dabiiciga ah. Inkasto abaaarta Puntland ka jirta ay mudo soo jiitamaysay, haddana wax qorshe dawladeed ama mid bulsho ah oo la sameeyey ma jirin. Hasayeeshee,  dabayaaqadii bishii October 2016 ayey ahayd markii Puntland ay ka bilaamatay shaqada gurmadka abaaraha, oo runtii ahaa mid is xilqaan iyo isku tashi ku dhisan, haddana waxaa cad in hanaanka gurmadku yahay mid ku salaysan muddo gaaban kuna kooban biyo dhaamis iyo cuno gaarsiin dadka abaartu saamaysay. waxaa sidoo muuqata isku xirnaan la’aan hawlaha gurmadka ah.

Si hanaanka gurmadka abaaruhu u guuleysto una noqdo mid si habsami ah u shaqeeya inta abaartu jirto waxaa muhiim ah in arrimahaan hoose xisaabta lagu darsado:

  1. Si looga fogaado in hanaanka gurmadku tabar dhigo xilliga abaartu ugu kulushahay, waa muhiim abuurista qorshaha la taacilida saameynta abaarta oo ku dhisan ugu yaraan lix bilood, si dhaqaalaha looga faa’ideysto sida ugu waxqabadka iyo waxtarka badan, loona xaqiijiyo sii socoshada gurmadka ilaa inta roob laga helayo.
  2. Si hanaanka gurmadku u noqdo mid guuleysta, loogana fogaado maamul xumo ka dhalata is barbar yaaca, waa muhiim in dhamaan dadaalada gurmadku noqdaan kuwo isku xiran oo hal jiho leh, ayna jirtaa madal dhexe oo qaadata doorka hogaaminta, qoondeynta iyo isku xirka.
  3. Waa muhiim abuurista hannaan xog ururin oo si joogta ah qiimeyn iyo falanqayn ugu sameeya baaxadda abaarta iyo waxtarka hanaanka gurmadka. Taasi oo suurtagelinaysa in la helo ikhtiyaaraad siyaasadeed oo ku haboon xaaladaha jira.
  4. Haddii abaarta daba dheeraato, Alle kama dhigee, waxaa hubanti ah in aan lasii wadi karin hanaanka biyo dhaamiska. Dhaqaale ururinta oo gaabis noqonaysa iyo baahida oo badanaysa waxay keenaysa tabar yari ku timaada wax ka qabashada abaarta. Sidaas darteed, waxaa muhiima in qorshaha wax ka qabashada abaartu uu yeesho waji ka baxsan biyo dhaamiska, balse badelkeeda loo baahanyahay in si dhaqso ah ceelal looga qodo dhulka daaqsinta leh ee biyo la’aantu ka jirto
  5. Dadka ku cayrooba abaarta waa in aanan laso dajin ama lagu soo xareyn magaalooyinka, balse badalkeeda lagu taakuleeyaa xerooyin looga sameeyey tuulooyinka u dhow baadiyaha ay daganaanyeen abaarta ka hor, si hadhow markii abaarta looga baxo dib loogu yagleelo hab-nololeedkodi ku salaysnaa dhaqashada xoolaha. Tani waxay ka hortagaysaa in nolosha baadiyuhu dunto.
  6. Si loo xaqiijiyo hufnaanka hawlaha gurmadka waa muhiin inuu ku socdo mabaadi’da hawlgalada gargaarka bani aadanimo sida: ilaalinta dhex-dhexaadnimada iyo eex la’aanta.
  7. Waa muhiim in adeegyo caafimaad laga hirgeliyo goobaha dadku kusoo xeroodaan.
  1. Isku daba ridka dhaqaale aruurinta gurmadka abaaraha

Waxaa hubanti ah in dhaqaale ururintu aysan kusii socondoonin sida dardarta leh ee ay hadda kusocoto, haddii ay dhacdo in abaartu daba dheeraato. Sidaas daraadeed, waa muhiim in dadaalada la tacaalida saamaynta abaarta aysan ku shaqeyn hanaan maaliyadeed maalin la nool ah.  Balse loo baahanyahay in la sameeyo saadaal miisaaniyadeed oo ku dhisan illaa xilli-roobaadka soo socda. Isla markaasna la dajiyo qorshihii lagu soo ururin lahaa dhaqalahaas & habka maamulka kharashaadka.

Si dadaalada isku tashigu u miro dhalaan isla markaasna sida ugu wanaagsan wax looga qabto baahida, waxaa habboon in la helo ilo-dhaqaale oo la isku haleyn karo. Haddaba anaga oo ka duulayna duruufaha dhaqan dhaqaale ee dhulkeena, waxaan hoos kusoo gudbinayaa illaha laga heli karo dhaqaale fiican oo wax looga qaban karo xaladaha abaarta ee gayigeena:

  1. In dawladdu ayada oo ka duulaysa xeerarka ahmiyad kalasiinta baahiyaha, ay sannad miisaaniyadeedka 2017 ku darto qoondada wax ka qabasahda abaarta.
  2. In dawladda iyo culumadu abuuraan hindise shaqaalaha xarumaha dawladda, ganacsiga & hay’adaha si joogto ah looga jaro qoondo mushaareed kooban inta abaartu socoto.
  3. Iyada oo la adeegsanayo adeega lacagaha ee taleefoonada gacanta in magaalo kasta laga la hirgaliyo OLOLAHA KU TABARUC 10 CENT, Fikraddaan waxaa lagu aruurin karaa lacag badan. Tusaale ahaan haddii 100,000 oo qof hal maalin dirto lacagtaas waxay noqonaysaa $10,000 maalintii. Bishiina waa $300,000. Qofka maalin walba dirana bishii wuxuu bixinayaa $3.
  4. In Jaaliyadaha dibadda wadankasta lacag lagu qoro ayadoo xajmiga lacagta loo eegayo sida jaaliyaduhu wadamada ugu kala badanyihiin. Lana cayimo xilliga jaaliyaduhu kusoo gudbinayaan lacagta.

Qoraalkaan muhiimad masiin mucaawino meel kale laga sugo, balse waxaan aaminsanahay shacabka iyo dawladda puntland oo iskaashada, Allena talo saarta inay wax weyn tarikaraan dadkooda abaartu waxyeelaysay. Ogow sentiyada oo aan isku darnaa waxay noqonayaan malaayin. Howsha gurmadkuna ugu dambeyn waxay muujinaysaa awoodeena waxayna nagu dhiirigelinaysaa inaan u kacno dhisida dalkeena.

Qore:  C/fitaax Maxamed Cabdullaahi (Bayle),

E-mail: cfatah13@gmail.com

PUNTLAND POST