12 Kooxood oo u soo Gudbay Wareega 16-ka ee Koobka Horyaalada Yurub

Xalay ayaa la soo gabagabeeyay kulamadii shanaad ee heer group-yada koobka Horyaalada Qaarada Yurub ee loo yaqaano Uefa Champions League -ga.

12 kooxood ayaa wareega 16-ka u soo gudbay ilaa iyo haatan kuwaas oo ka ah Atletico Madrid, Barcelona, Leicester City iyo Monaco oo kaalinta koowaad ee group-kooda ku soo baxay, waxaa sidoo kale soo gudbay kooxaha kala ah Arsenal, Bayer Leverkusen, Bayern Munchen, Borussia Dortmund, Manchester City, PSG  iyo Real Madrid.

Afarta boos ee ka banaan wareega 16-ka ee Champions League-ga ayaa waxaa  rajo ka leh todobo kooxood oo tartan ugu jira oo kala ah Sevilla, Lyon, Porto, Kobenhavn, Benfica, Napoli iyo Besiktas.

Kooxaha ka haray tartanka Champions League xilli ciyaareedkan waxa ay kala yihiin Celtic, Club Brugge, Dinamo Zagreb Dynamo Kyiv kuwaasoo aan xitaa rajo ka laheyn u soo bixitaanka tartanka Europa League.

kooxaha kale ee haray ee rajada ka qaba inay u soo baxaan Europa League waxaa ka mid ah Basel, Borussia Mönchengladbach, CSKA Moskva, Legia Warszawa, Ludogorets Razgrad, PSV Eindhoven, Rostov, Sporting CP iyo Tottenham Hotspur.

Natiijooyinkii kulamadii Champions League –ga ee xalay la ciyaaray.
chaiop

Kala sareynta Group-yada kula madii xalay la yiyaaray
g-a

PUNTLAND POST