Warbixin: Kulanka Manchester United iyo Arsenal

Kooxda Manchester United ayaa garoonka Old Traffrod ku soo dhawaynaysa galabta kooxda ay sida wayn u xifaaltamaan ee Arsenal kulanka ka tirsan Horyaalka England ee Premier leaque-ga.

Tababare cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa markii ugu horaysay Old Traffrod kaga hor iman doona isagoo macalin u ah Manchester ninka ay sida wayn colaada kubbadeed uga dhexayso ee Arsene Wenger.

Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa daawade ka noqondoona Kulan halka Marouane Fellaini shaki badan la gelinayo taam ahaanshahiisa, laakiin Wayne Rooney ayaa ciyaartaan diyaar u ah isagoo seegay ciyaartii England barbaro la gashay Spain.

Arsene Wenger ayaa si buuxda u hubin doona taam ahaansha gool dhaliyaha kooxdiisa ee Alexis Sanchez  kaas oo jimcihii dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kadib markii uu xulka Chile ka soo caawiyay in ay guul ka gaadheen Uruguay.

Arsenal wax guul  ah kuma gaarin Old Trafford muddo haantan laga joogo 10 sano waxaana ugu dambaysay guul ay Man United garoonkeeda uga soo gaaraan kulan Premier League ah oo dhacay 17 bishii September sanadkii 2006, markaasoo ay ku soo adkaadeen 1-0, waxaana goolka qura ee ay guusha ku soo qaateen u dhaliyey Emmanuel Adebayor.

Manchester United iyo Arsenal ayaa horyaalka Premier leaque-ga iskaga hor yimid 194 kulan waxaana 81 kulan guulaystay Manchester United halka Arsenal ay 68 kulan guulaysatay halka 45 kulan ay barbaro galeen.

WARBIXINTA KULANKA:

Tartanku: Premier Leaque kulankiisa 12 aad

Kulanku: Man United Vs Arsenal

Garoonka: Old Traffrod

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo xiliga Somalia

Garsoore/ dhexdhexaadiye: Andre Marriner

Line-Ups-ka macquulka ah ee labada kooxood

shaxda-man shaxda-arsinal

PUNTLAND POST