Manchester United iyo Arsenal oo Barbar-dhac Galay

Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa garoonka Old Trafford ku galay barbar-dhac 1:1 ah, kulan ka tirsan Horyaalka Premier leaque-ga  ee England laga ciyaaro.

Juan Mata ayaa hogaanka u dhibay kooxdiisa Manchester United Daqiiqadii 68-aad markii uu caawinaad wanaagsan ka helay Ander Herrera, waxaana shuut xogan oo jog hoose ah dhaafiyay golhaye Petr Cech.

Laakiin Olivier Giroud ayaa kubad madaxa ah ku badbaadiyay kooxdisa Arsenal daqiiqadii 89-aad ee dhamaad ciyaarta.

Manchester United ayaa u qalantay seddexda dhibcood marka la ego qaab ciyaareedkeeda, laakin fursadii ugu horeeyay oo ahayd bartilmaameed oo ay sameesayArsenal waxaa gool u bedelay Giroud.

Manchester United ayaa leh 19 dhibcood 12 kulan oo ay ciyaartay, waxayna ku jirtaa kaalinta 6-aad.

Halka Arsenal ay leedahay 25 dhibcood 12 kulan oo ay ciyaartay, waxayna ku jirtaa kaalinta 4-aad ee kala sareynta horyaalka Premier leaque-ga.

Barbar-dhacan ayaa ka dhigan in wali uu sii socda rikoorkii xumaa ee Wenger ka heystay Jose Mourinho iyo garoonka Old Trafford.

1

2

3

4

5

6

7
PUNTLAND POST