WARBIXIN:- Musharaxnimada Abshir Xasan Abshir

Amb-Abshir iyo Madaxweyne Kikwete TANZANIA
Amb-Abshir iyo Madaxweyne Kikwete
TANZANIA

Garowe (Puntland Post):- Musharax Abshir Xasan Abshir wuxuu culuumta sayniska iyo siyaasada kusoo bartay dalka Maraykanka Jaamacadda ) University of Maryland, College Park, MD Sanadkii (1997), Halka uu diraasada xalinta khilaafaadka uu ka diyaariyay dalka Kanada (Third Party Neutral Program ) gaar ahaan Jaamacada Canadian Institute for Conflict Resolution, St. Paul University, magaalada Ottawa Sanadkii (1998).

WAX-QABADKA ABSHIR.               

Musharax Abshir Xasan Abshir oo sanadka 2016 u tartamaya Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ayaa horey xubin uga soo noqday Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya, Halka sanadkii 2012 ilaa 2016 (Feb) uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Buruundi.

Musharax Abshir Xasan ayaa leh waayo-aragnimo shaqo oo ka badan 20 sano, wuxuu horey uga soo shaqeeyay hay,addo ka shaqeeya horumarinta arrimaha bulshada dalka, gaar ahaan kuwo fadhigoodu yahay deegaanada Puntland.

4Musharax Abshir oo la rumaysan yahay inuu yahay musharaxa ugu da,ada,yar Musharaxiinta u tartamaysa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kaalimo muhiim ah ku lahaa mashaariic kala duwan oo ka hirgashay dalka Soomaaliya iyo Deegaanada uu kasoo jeedo ee Puntland.

Sida Aas aaskii Jaamacadda PSU oo maanta soo saarta boqolaal ardey ah, Aas aaska shirkaddii ugu horeysay ee Isgaarsiineed oo laga hirgaliyo Puntland,Aas-aaskii xarunta Liberiga ee ku taala Garowe,Halka uu musharaxu door muhiim ah ku lahaa mashaariic lagu horumariyay Isbitaalada ku yaala magaalooyinka Puntland iyo Mashaariic marar kala duwan deeqo loogu fidiyay Reer Miyiga iyo Barakacayaasha ku nool Puntland.

un-deputy-sec
Musharax Abshir iyo Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

TAARIIKHDA MUSHARAXA.

Musharax Abshir Xasan Abshir 2006 ilaa 2007 wuxuu kasoo mid noqday saraakiisha Hay”adda Counterpart International,Qaybteeda Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Musharax Abshir Xasan Abshir
Musharax Abshir Xasan Abshir

2005 ilaa 2006  Wuxuu ahaa maamulihii Shirkaddii ugu horeysay oo adeeg isgaarsiinayd ka hirgalisay Puntland taas oo magaceedu ahaa Shirkada Horntel.

mvc-002s
2002 Musharax Abshir oo deeq u qeybinaya barakacayaasha

2002 ilaa  2005 Wuxuu ahaa Musharax Abshir Xasan Abshir Madaxa guud ee mashaariicda KAALO NGO/ iyo Jaamacadda Puntland State University .

Sanadkii 1999 ilaa 2001 Wuxuu ahaa Madaxa Mashruuca Chap ee Hay’ADA Counterpart International Xafiiskeeda guud ee Magaalada Washington DC, Dalka USA

2ARAGTIDA SHACABKA.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanada Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya ayaa aragti ahaan aaminsan in dhalinyaradu door muhiim ah ku yeeshaan hogaaminta siyaasadda dalka.

Waxayna dad badani u arkaan kusoo biiritaanka Abshir Xasan Abshir Musharaxiinta ku tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya inay uga banaan tahay doorkii dhalinyaradu ku lahaayeen dalka.

DAAWO GAROWE SIDA LOOGA SOO DHAWEEYAY MUSHARAX ABSHIR XASAN.

Musharax Abshir Xasan Abshir ayaa noqday musharaxii ugu saameynta balaarnaa dhanka soo dhaweynta shacabka , Xilli ay uga soo horeeyeen tagida magaalada Garowe ilaa 4 musharax oo doonaya inay u tartamaan sanadka 2016 Madaxweynaha Dalka Soomaaliya

Dadka falan-qeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku tilmaamay musharaxnimada Abshir Xasan inay kusoo beegantay xilligay ku haboonayd, waxayna sheegeen inuu yahay shaqsi dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah, Islamarkaana leh maskax ka fiyow qabyaaladda, eexda iyo dhibaatooyinka in muddo ah ragaadiyay horu-kaca iyo siyaasaddii dalka Soomaaliya.

DAAWO WAREYSI GAAR AH MUSHARAX ABSHIR XASAN

PUNTLAND POST