Guddi ka shaqeeya xabad joojinta iyo kala qaadida Ciidamada oo Gaalkacyo lagaga dhawaaqay

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta lagaga dhawaaqay gudi ka kooban 18 xubnood oo ka shaqayn doona xabad joojinta iyo kala qaadida Ciidamada.

Gudigaan ayaa ka kooban labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, waxayna shaqadoodu noqonaysaa in ay hirgiliyaan xabad-joojinta iyo kala qaadida ciidamada is hor fadhiya ka hor inta aan la gaarin 20 bishan Nofeember, waqtigaas oo lagu kulmi doono magaalada Kismaayo.

DHINACA PUNTLAND

  1. Xasan Maxamed Abgaalow Gudoomiyaha Gobalka Mudug.
  2. Maxamed Yaasiin Tumey Duqa magaalada Gaalkacyo.
  3. Jen. Muxuyadiin Axmed Muuse Taliyaha La dagaalanka Argagixisada.
  4. Col. Cabdul Warsame Cusmaan Taliye katirsan ciidamada Difaaca.
  5. Cabdi Diiriye Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
  6. Xuseen Gurey Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
  7. Abdulaahi Aaden Gaas Ganacsade
  8. Maxamed Quute Ganacsade
  9. Sh Abshir Abdirahmaan Yusuf .

DHINACA GALMUDUG

  1. Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug
  2. Cabdirashiid Xaashi Cartan Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug
  3. Xirsi Yuusuf Barre Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug
  4. Cabdulqaadir Jaamac Seed Waxgaradka Nabadoonada.
  5. Cabdikariim Sheekh Axmed
  6. Xasan Faarax Barre
  7. Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi
  8. Cabdi Jaamac Cabdulle
  9. Cabdinaasir Cabdi Faarax

Haddii Gudigani hirgeliyaan arimaha loo igmay waxay horseedi doontaa in shacabkii ka qaxay magaalada ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, kadib markii ay badankoodu ku dhibaataysnaayeen goobo magalada ka baxsan.

PUNTLAND POST