England oo Guul ka gaartay Scotland is reeb-reebka koobka Aduunka ee 2018

Xulka kubadda cagta England ayaa guul ay mudnaayeen ka gaaray xulka ay xifaaltamaan ee Scotland, kullan ka tirsanaa wareegga 4-aad ee is reeb-reebka dalalka yurub ee loogu soo baxayo koobka aduunka ee sanadka 2018-ka lagu qabanayo Russia.

Saddex madax oo ay dhaliyeen ciyaaaryooyda England ayaa keentay in 3-0 ay ku badiyaan iyaga oo joogtay garoonkoodaWembley.

England oo ku wacneyd kubadda haysashada ayaa goolkii 1-aad  heshay daqiiqaddii 24-aad qaytii hore ciyaarta waxaana u saxiixay Daniel Sturridge  kubad madax  ahayd oo uu dhaafiyay goolhaye Craig Gordon karoos ka yimid daafaca midig ee Kyle Walker.

Scotland ayaa iska khasaariyey labo fursadood oo wanaagsan ka dib markii laga soo laabtay nasashada, Adam Lallana ayaase 2-0 ka dhigay markii uu si wanaagsan u dhameystiray Karoos ka yimid Danny Rose.

England ayaa goolka saddexaad ka heshay Gary Cahill oo dhaafiyay kubbad madax ahayd goolhaye Gordon ka kadib kubad geeska uu ka keenay Wayne Rooney.

England ayaa hogaanka u hayaan Group F iyagoo 10 dhibcood leh, halka Scotland ay leeyihiin afar dhibcood oo kaliya.

PUNTLAND POST