Shirkadda Amal oo ka jawaabtay baaqii Guddiga Takulaynta Abaaraha Gobolka Sool uguna deeqday lacag gaaraysa $10,000

Guddoomiyaha Guud ee Bangiga Amal, Saciid Cali Shire iyo Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Sool, Saciid Cabdi Ducaale, ayaa deeq lacageed oo ka timid shirkadda Amal ku wareejiyey Guddiga Taakulaynta Abaaraha Gobolka Sool.

Madasha lacagta lagu guddoonsiiyey Guddiga Taakulaynta Abaaraha ayaa waxaa warbixin ka soo jeediyey Sh. Saciid Axmed Cadar oo ka mid ah culimada waaweyn ee degaanmada Sool, xubinna ka ah Guddiga Taakulaynta Abaaraha. Sheekh Saciid oo ka warbixiyey socdaallo ay dhowaan ku soo mareen deegaammada abaaruhu saameeyeen ayaa sheegay in ay indhohooda ku soo arkeen baahi iyo macaluul baahsan oo si isku mid ah u saamaysay dad iyo duunyo labadaba. Sh. Saciid wuxuu sheegay in ay soo arkeen xoolo harraad iyo gaajo u le’day iyo kuwo cidla looga guuray markay macaluul la dhaqaaqi waayeen. Sh. Saciid wuxuu sheegay in ay soo arkeen qoysas badan oo xoolihii dhaafeen oo Ilaahay maahee aan cid kale sugayn. Sh. Saciid wuxuu sheegay in ay soo arkeen muuqaallo murugo badan. Sh. Saciid wuxuu tilmaamay in ay aad ugu baqsan yihiin dad iyo duunyo wixii haray.

Saciid Cali Shire, Guddoomiyaha Guud ee Bangiga Amal, oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in shirkadda Amal iyada oo ka jawaabaysa baaqii Guddiga Taakulaynta Abaaraha Gobolka Sool ay maanta guddiga soo gaarsiisay lacag dhan $10,000 (toban kun oo dollar). Saciid wuxuu sheegay in himilooyinkii iyo ahdadaftii loo sameeyey Shirkadda Amal ay ka mid ahaayd garab istaaga bulshada Soomaaliyeed. Saciid wuxuu tilmaamay in Shirkadda Amal aysan marna ka qayb qaadan colaadaha, dagaallada iyo fitnooyinka aaffeeyey dalka iyo dadka ee ay ka qayb qaataan nabadaynta iyo badbaadinta bulshada. Saciid wuxuu si aad ah ugu boorriyey sharikaadka kale iyo guud ahaan bulsha weyntuba in ay ka qayb qaataan dadaalkan lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada.

Sh. Axmed Maxamed Suleyman, Guddoomiyaha Guddiga Taakulaynta Abaaraha Gobolka Sool, ayaa markuu lacagta ka guddoomyay Guddoomiyaha Guud ee Bangiga Amal, ka mahad celiyey deeqdaas ka soo gaartay Shirkadda Amal. Sh. Axmed wuxuu tilmaamay in Shirkadda Amal ay noqotay shirkaddii u horraysay ee soo ajiibta kana soo jawaabta qaylo dhaantii ay u dirneen guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan sharikaadka ka hawl gala degaammada Sool. Sh. Axmed ayaa si aad ah ugu duceeyey Shirkadda Amal kuna ammaanay dowrka ay ka qaadato nadabadaynta iyo badbaadinta mujtamaca.

Madasha ay Shirkadda Amal lacagta ku guddoonsiisay Guddiga Taakulaynta Abaaraha waxaa joogay xubno ka mid ah Guddiga oo ay ka mid yihiin Prof Cabdirisaaq Lafoole iyo Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire.

dsc05245

1

2

 

6

3

5

4