Real Madrid oo Layaab kala Kulantay Legia Warszawa iyo Natiijooyinkii kulamadii Xalay ee Chempions League-ga

Kooxda Real Madrid ayaa la yaab kala kulantay kooxda Legia Warszawa kulan ka dhacay Stadium Polish Army oo ka tirsanaa heerka guruubada Chempions League-ga, ka dib markii ay galeen barbar-dhac 3-3 ah.

Real Madrid ayaa kooxda Legia Legia Warszawa marti ugu ahayd garoonkeeda oo madhan kadib markii ay kooxda reer Poland ganaax kala kulantay UEFA.

Gareth Bale ayaa rekoodh cusub u dhigay kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu dhaliyay goolkii ugu deg dega badnaa abid ee ay Real Madrid ka dhaliso Champions Leaque-ga, isagoo 57 ilbiriqsi/seconds ku dhaliyay.

Benzema ayaa markiisa Real Madrid u dhaliyay goolka labaad daqiiqadii 35-aad isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Vadis Odjidja-Ofoe  ayaa Legia Warszawa u keenay rajada ciyaarta daqiiqadii 40-aad, waxayna qeybta hore ee ciyaartu  ku dhamaatay 2-1.

Qeybtii labaad marka leyskugu soo noqday Miroslav Radovi ayaa goolka barbaraha u keenay kooxdiisa Legia Warszawa daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta kana dhigay  2-2.

Thibault Moulin ayaa daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta dhaliya goolka 3-aad ee  Legia Warszawa isagoo ciyaarta ka dhigay 3-2, taas oo Real Madriid ku noqotay mucjiso.

Mateo Kovacic ayaa goolka bareejada u keenay kooxda Real Madrid daqiiqadii 85-aad isagoo ciyaarta ka dhigay 3-3 ciyaartuna sidaas ayay ku soo idlaatay.

Isla Group-kan F, kooxda  Borussia Dortmund ayaa waxay 1-0 ku garaacday kooxda Sporting CP.

Dortmund ayaa 10 dhibcood ku hogaamanayso

halka kooxda Real Madrid ay leedahay 8 dhibcood.

kooxda 3-aad waa Sporting waxayna leedahay 3 dhibcood.

sidoo kale kooxda Legia ayaa leh 1 dhibic.

Natiijooyinkii kulamadii Xalay ee Chempions League-ga

natiijada

PUNTLAND POST