Man City oo Guushii ugu Horaysay ka Gaartay Barcelona Koobka Champions League-ga

kala sareynta Group-C
kala sareynta Group-C

Kooxda Manchester City ayaa guusheedii ugu horreysay abid ka gaartay kooxda reer Spain ee Barcelona oo marti ugu ahayd Stadium Etihad kulan ka tirsan Group C ee Koobka Champions League.

Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City ayaan ka Aarsaday Barcelona gool daradii xanuunka badnayd ee kulan hore ka soo gaartay Camp Nou, iyagoo 3-1 ugu awood sheegatay xalay.

Lionel Messi ayaa goolka furitaanka u saxiixay kooxdiisa Barcelona kadib caawinaad uu ka helay Neymar wuxuuna ahaa goolkii 7 aad ee uu Messi saddex kulan oo Champions Leaque-ga ah uu xili ciyaareedkan dhaliyay.

İlkay Gündoğan ayaa ahaa xidigii xalay ee Manchester City isagoo goolka barbaraha u keenay kadib caawinaad uu ka helay Raheem Sterling, waxayna ciyaartu qaybtii hore ku dhamaatay 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay ayaa Man City  hoggaanka ciyaarta la wareegtay waxaana Barcelona kubad laadka xorta ah oo qurux badan ka dhaliyay Kevin de Bruyne, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 oo looga gacan sareeyey Barcelona.

İlkay Gündoğan ayaa mar labaad shabaqa soo tabtay caawinaad uu kahelay Aguero wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1 oo ay Manchester City hogaanka ku hayso.

Manchester City ayaa ugu danbayn soo afjartay dhaqankii guuldarada ee caadada uga ahaa Barcelona.

PUNTLAND POST