Weerar Dad lagu dilay oo ka dhacay Mandera Kenya

Koox hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday magaalada Mandera ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya, halkaas oo ay ku dileen  ugu yaraan 10 qof, halka tira kalana ay ku dhaawaceen.

Kooxda weerarka geysatay ayaa bartilmaameed ka dhigatay guri ay deggan yihiin dad Kenyaan ah oo aan u dhalan Magaalada Mandera.

Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Mandera Job Boronjo ayaa xaqiijiyay weerarkaasi inuu jiro, wuxuuna ku eedeeyay Ururka Al-Shabaab.

Ciidanka Booliska iyo Millateriga Kenya ayaa saaka magaaladda waxa ay ka wadaan howgallo culus, waxaana gebi ahaanba xiran goobaha ganacsida ee Mandera.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ka gaystay Mandera iyo deegaano ku xeeran.

PUNTLAND POST