Faah Faahin Weerar Is Miidaamin ah oo ka dhacay Baled-weyne

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa duhurnimadii maanta waxaa lagu weeraray Saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Gaariga ayaa la sheegay in lagu dhuftay ilinka hore ee Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka amisom ay ku leeyihiin Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

War rasmi ah oo goordhaw kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyayahn ka Tirsan shabaab oo waday gaari xamuul ah in uu fuliyay weerarka ismiidaaminta islamarkaana qasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada Jabuuti.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidanka Xarakada Shabaab  ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in weerar ismiidaamin ahaa   lagu qaaday saldhigga 2-aad ee ciidanka Jabuuti ku leeyihiin Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan islamarkaana qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira la gaarsiiyay ciidamada Jabuuti waa siduu hadal u dhigee.

qarax-1 qarax-1-1 qarax-2 14716202_1214922821915087_7144104046085837739_n 14720526_1214922638581772_5653106774308237876_n

PUNTLAND POST