Muxuu ku soo idlaaday kulankii Adkaa ee Chelsea iyo Manchester United?

Kooxda Chelsea ayaa xalay garoonkeeda Stamford Bridge 4-0 ku garaacday kooxda Manchester United, kulan ka tirsanaa horyaal England ee looyaqaaan Premier League.

Jose Mourinho ayaa sharaf dhac kala kulmay garoonkii uu guulaha badan ku gaadhay ee Stamford Bridge, waxaana30 ilbiriqsi kaliya goolasha ku daah furay Pedro Rodrigues.

Difaaca Chelsea ee Gary Cahill ayaa dhaliyay kan labaad daqiiqadii 21aad, iyadoo Eden Hazard caawinaad uu ka helay, waxaana ciyaartu noqtay 2-0 oo hogaanka ay ku qabtay qeybta hore Chelsea.

Manchester United ayaa sii quusatay markii daqiiqadii 62 aad qeybtii labaad ee ciyaarta uu Eden Hazard meel aad uga fog goolka uu ka toogtay kubad qurux badneyd oo ciyaarta ka dhigtay 3-

Ugu danbattii waxaa goolasha ku soo afmeeray N’Golo Kante oo dhax dhexmaray daaafacayada manchester United daqiiqadii 70 aad goolka afaraad ee Chelsea oo guud ahaan 4-0  ay kaga badisay Manchester United.

Chelsea ayaa guushaan keentay  booska 4 aad ee kala saraynta horyaalka waxayna kal baxday kooxda Tottenham oo 5 aad u dhacday.

Manchester United oo kujirta booska7 aad ayaa 6 dhibcood ka dambeysa kooxaha Horyaalka Hogaaminaya ee Manchester City iyo Arsenal.

PUNTLAND POST