Madaxweyne Gaas Dagaalka Gaalkacayo Waxa laga Hurinayaa Xamar

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali.Maxamed. Cali Gaas  ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha Boosaaso xili uu safar  shaqo ugu maqnaa wadamada Itoobiya iyo wadanaka isku taga imaraadka carabta kuwaas oo la xiriira kor u qaadista kabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa garoonka diyaradaha Boosaaso ku so dhaweyey maamulka gobalka Bari kan dagmada Boosaaso, qaar kamid ah sarakiisha ciidamada Puntland iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa shir jaraaid ku qabtay gudaha Garoonaka diyaradaha ee Boosaaso waxaana uu ugu horayn ka hadlay Safarkii uu ku maqnaa isagoona tilmaamay in uu ugu  soo dhamaaday guul.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas waxa uu ka hadlay Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug kaas oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.

Gaalkacayo waxaa laga wadaa dagaalo, dagaalkaaso oo laga soo Abaabulay Xamar, waxa ku soo duulaya oo shidada wadana waa Dawladda Federaalka Soomaaliya”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hadalka Madxweynah  Puntland ayaa ku soo beegmaya xili uu saaka markale ka bilawaday  dagaal  magaalada Gaalkacayo kaas oo u dhexeeya  Puntland iyo Galmudug.

Hoos ka dhagayso Hadalka Madaxwayneha Puntland

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST ,BOOSASO