Lahaysteyaal sheegay in si xun loola dhaqmay

Bad-maaxiin Ajaaniib ah oo ay haysatay burcad badeed Soomaaliyeed ayaa gaaray caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, hal kaas oo ay ku soo dhoweeyeen danjirayaasha waddammadooda u fadhiya Nairobi.

Ajaaniibtan la siidaayay ayaa ahaa 26-qof oo ka soo kala jeeda Wadamada Indonesia, China, Philippines, Vietnam iyo Taiwan, waxaana diyaaradi ka qaaday Magaalada Galkacyo, kadib markii burcad badeedii haysatay ay khaqaateen madax furasho aan qiimaheeda la sheegin.

Lahaysteyaasha ayaa ka hadlay xaaladii ay ku noolaayeen muddadii ay gacanta ugu jireen burcad badeedda Soomaalida, mid ka mid ah lahaysteyaashii oo lahadlayay BBC-da  ayaa sheegay in ay ku noolaayeen nolal ciriiri ah, ayna cuni jireen shimbiraha iyo waxyaabaha kale ee ay adagtahay in uu bani’aadamku cunno ahaan u cuno.

Burcad badeeda ayaa haysatay kooxdan muddo 5-sano ah waxayna ku haysteen deegaanada Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

s1
Some of the 26 Asian sailors released after being held captives by Somalia pirates for more than four years become emotional as they arrive at the Jomo Kenyatta International Airport in the capital Nairobi, Kenya
Some of the 26 Asian sailors released after being held captives by Somalia pirates for more than four years become emotional as they as they arrive at the Jomo Kenyatta International airport in the capital Nairobi s4 s5 Some of the 26 Asian sailors released after being held captives by Somalia pirates for more than four years become emotional as they as they arrive at the Jomo Kenyatta International airport in the capital Nairobi

PUNTLAND POST