Hay’ada Astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa oo Qardho tababar ugu qabatay qaybaha Bulshada

Qardho (Puntland Post):- Hay’adda astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka muq-maasuqa Dawlada Puntland ayaa magaalada Qardho ku qabatay tababar la xiriira Maamul wanaaga iyo Hogaaminta wanaagsan iyo la dagaalanka Musuq maasuqa , waxaana tababarkan kasoo qayb galay Maamulka Gobalka Karkaar kad degmada Qardho aqoonyahano iyo masuliyin kale.

Duqa degmada Qardho oo ugu horayn tababarkan furay ayaa ku dheeraday ahmiyada uu tababarkani leeyahay iyo sida Maamulka degmada ay diyaar ugu yihiin dhaqan galinta howlaha ay hay’adani ka wado deegaanada Puntland kuwaso lagu ciribtirayo musuq maasuqa ragaadiyay soomaaliya duqa degmada ayaa sidoo kale Hay’ada Dawlada Puntland u qaabilsan astaynta Maamul wamaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa ku amaanay dadaalka xoogan ee ay wado wuxuna bulshadii kasoo qaybgashay tababrka kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan duruusta halkan laga bixin doono.

Agaasimaha Hay’adda astaynta Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo sido kale furitaanka tabarka ka hadlaya ayaa kasoo qaybgalayaasha u faahfahiyay xafiska hay’ada xiligii la furay wuxuuna sheegay in xafiiskan la furay xiligii dowladii Gen. Cade Muuse tan iyo xiligaasina uu u taagnaa qabashada howlaha loo egmaday wuxuu agaasimaha sidoo kale xusay in xafiiska sanadkii 2015 iyo 2016 uu Madaxwayne Gaas kusoo kordhiyay qaybta la dagaalanka Musuq maasuqa iyadoona madaxwaynaha labadaasi sano u gartay sanadihii ciribtirka musuq maasuqa ugu dambayn wuxu agaasimaha u so daadagay ujeeka tababarkan isagoona sheegay in muhimada ay qardho u yimaadeen ay tahay tashi ay la samaynayaan bulshada qaybaheeda kala gadisan kaso ku aadan sidii loo abuuri lahaa maamul wanaag loon ciribtiri lahaa musuq maasuqa.

Hay’adda astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa ka wada guud ahaan Gobalada Puntland tababaro lagu abuurayo maamul wanaag loogana hortagayo wax walba oo musuq maasuq dhalin kara iyadoo la hiigsanayo in guud ahaan Puntland laga hirgaliyo Maamul wanaagsan lana ciribtiro Musuq Maasuqa.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10QARDHO

PUNTLAND POST