PHA oo tababareysa Injineero iyo Shaqaalaha Dowladaha hoose Puntland

Garowe (Puntland Post):- Hay,adda Dayactirka Wadooyinka Puntland ee PHA oo kaashanaysa Hay,adda Shaqaalaha Caalamiga ee ILO ayaa maanta tababar soconaya saddex beri uga furtay magaalada Garowe Injineerada heer degmo iyo Agaasimayaasha waaxaha howlaha guud ee Dowladaha Hoose Puntland.

Mudada uu soconayo tababarkan ayaa lagu bari doonaa kazoo qeybgalayaasha loo qabtay barashada shuruucda dhismaha wadooyinka iyo qandaraasyadda, Iyadoona horey ay usoo qabatay PHA tababaro kan la mid ah .

Eng Cabdulqaadir Guduudoow oo ka tirsan shaqaalaha Hay,adda PHA iyo ILO ayaa sheegay inuu ku saabsan yahay buuga laga hago wadooyinka oo ay diyaarisay Hay,adda PHA tababarka maanta uga furmay Garowe Injineerada heer degmo iyo Waaxaha howlaha guud ee Dowladaha hoose.

Eng Ciise oo ka mid ah saraakiisha Hay,adda ILO ayaa sheegay inuu ka mid yahay tababarkan kuwii ugu danbeeyay barnaamijyada mashruuca JBLG, Islamarkaana uu qeyb ka yahay sidii ay shaqadooda ula wareegi lahaayeen waaxyaha howlaha guud .

img_5803
Gudoomiyaha Hay,adda PHA Eng Maxamud Abdinuur

Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa ugu danbeyntii faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii Puntland ka faa,iiday  mashruuca JBLG mudadii uu soo socday, Kuwaas oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen Aqoon heer qaran, heer degmo iyo mid gaar ahba, Wuxuuna hoosta ka xariiqay Eng Maxamud inay heleen shirkadaha wadanku intii uu socday barnaamijka JBLG awood ay ku dhisaan wadooyinka oo heer fiican ah.

Eng Maxamuud Cabdinuur ayaa sheegay laga soo bilaabo sanadkii 2008 ilaa 2017 inuu ka shaqeynayo Puntland barnaamijka JPLG Islamarkaana looga baahan yahay hay,addaha dowlada inay joogteeyaan aqoonta ay ka heleen barnaamijkan , si ay u noqoto mid dhaxal gal ah.

Wuxuuna Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland uu kula dardaarmay kazoo qeyb galayaasha loo qabtay tababarka inay u diyaar garoobaan sidii ay u hirgalin lahaayeen awooda daadajinta heer degmo ,Iyaga oo ka duulaya nidaamkii daadajinta ee Dowlada Puntland qaadatay.

Daawo Khudbadaha laga jeediyay Furitaanka Tababarka .

img_5653 img_5658 img_5677 img_5683 img_5687 img_5692 img_5698 img_5700 img_5705 img_5641 img_5708 img_5711 img_5714 img_5716 img_5718 img_5720 img_5721 img_5723 img_5724 img_5726 img_5727 img_5733 img_5736 img_5749 img_5738 img_5762 img_5787 img_5803 img_5808 img_5810 img_5753Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST