Jubbaland oo Bilaabaysa Doorasha Aqalka Hoose ee Barlamaanka Soomaaliya

Musharixiinta u taagan Aqalka hoose ee barlamaanka Dowladda Federaalka Somaaliya uma talidoona Maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa maanta in ay u gudbiyaan Araajidooda Guddiga Doorashooyinka.

Musharixiinta ayaa laga rabaa shuruudo ay ka midyihiin in uu yahay muwaadin Soomaali ah jira ugu yaraan 25 sano, in uu haysto shahaadada Dugsi Sare ama Khibrad u dhiganta, in ay san maxkamadi danbi ku xukumin 5 sano ee ugu danbaysay, iyo in uu bixiyo $5,000 hadii uu ragyahay ama $2,500 haddii ay dumar tahay.

Kadib markaay Guddiga Doorashooyinka ansixiyaan musharixiinta ayaa waxaa loo gudbi doonaa doorashada Ergada u codeyn doonta Xildhibaanka oo ah 51 Ergo.

PUNTLAND POST