Chelsea iyo Man United oo Fooda is Dari Doono Caawa

Kooxaha Chelsea iyo Manchester united ayaa goor dhow oo caawa ah isaga hor iman doona gegada Stamford Brige, kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Tababaraha reer Portugal Jose Mourinho ayaa kusoo laaban doona gegada Stamford Bridge markii ugu horeysay isagoo ah Tababaraha kooxda Manchester United, ayaa labo jeer oo kale duwan macalin u noqday Bules oo uu la qaaday saddex horyaal.

United ayaa ciyaari doona kulankoodii saddexaad wax ka yar hal toddobaad, iyadoo barbaro goolal la la’aaan ah hore ula gashay Liverpool halka guul 4-1 ay ka gaartay kooxda Fernabache tartanka Europa League khamiistii.

Kabtanka Manchester United Wayne Rooney ayaa seegi doona kulanka caawa sababa la xiriira dhaawac muruqa ah, sida ay ogaatay Sky Sports.

Chelsea ayaa labadii kulan ee ugu danbeysay Premier League guulaysatay  iyadoo xitaa shabaqa ilashatay markii guul 3-0 ah ay ka gaartay kooxda heysata horyaalka hadda Leicester Sabtidii lasoo dhaafay.

Chelsea ayaa ku adkaysanayaan in John Terry si buuxda uu ugu soo kabsaday dhaawacii canqowga ahaa, laakiin waxa ay weli su’aashu tahay makusoo bilaaban doonaa.

Willian iyo Oscar ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib markii fasax lasiiyay, halka Cesc Fabregas iyo Branislav Ivanovic mar kale dhaawac muruqa ka soo gaaray.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Man United

Tartanka: Premier League.

Garoonka: Stamford Brige

Saacadda: 6:00 Maqridnimo

Shaxda Macquulka ah Chelsea

chelsiii

Shaxda Macquulka ah Man United

man-utd

PUNTLAND POST