Al-shabaab oo La wareegay Deegaan Muhiim ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Al-shabaab  ayaa la wareegay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan kadib markii Ciidamada Ethopia iyo kuwa dowlada Soomaliya oo mudooyinkii dambe halkaas ku sugnaa ay isaga baxeen.

Boqolaal ka Tirsan dagaalyahanada Al-shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan  ayaa saakay lagu arkayaa deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxayna ku sugan yihiin xarunta degmada iyo saldhigii ugu weynaa ee ciidamada Ethopia ay ku sugnaayeen Mudooyinkii dambe.

Ciidamada  Al-shabaab ayaa dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada istiraatiijiga ah ee Ceel-Cali  ee Gobolka Hiiraan Saacado kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada  Malatariga dowlada  Itoobiya.

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada Al-shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen saldhigyada ciidamada Itoobiya ee degmada Halgan  ee Gobolka Hiiiraan waxayna sheegeen in dagaalkaasi lagu askari Itoobiyaan ah, balse maalmo kadib Taliska Ethopia ee  soomaliya ayaa soo bandhigay meydadka dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST