Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo mashaariic ka bilowday Bur-saalax

Xarfo (Puntland Post):-  Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarshada Puntland Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha guud ee Wasarada Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa kormeer ku tegay dugsiga sare ee Xarfo ee Suldaan Hurre ,Labo kale oo dugsiyo Hose/dhexe iyo dugsiga farsmada gacanta ee ku yaala degmada Xarfo Gobolka Mudug.

Ujeedada barnaamijka waftiga ayaa salka ku haysay sidii ay u ogaan lahaayeen baahida waxbarasho ee ka jirta xarumahaas iyo horumarka ay ka gaareen bulshada halkaasi ku nool.

Dhanka kale waftiga uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa dhagax dhigay dugsi sarre oo boodhin gaar ah u noqon doona gabdhaha ku nool deegaanka Bur-saalax, Halka ay sidoo kalena dhagax dhigeen dugsiga farsamada gacanta Bur-saalax .

Munaasabada dhagax dhiga labadan dugsi ayaa waxaa kala qeyb galay Waftiga Wasiirkuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir ,Gudooomiyaha Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolkaas.

Labadan mashruuc ee Iskuulo waxbarasho looga dhisayo Deegaanka Bur-saalax ayaa ka danbeysay ka dib markii Bur-saalax kaga guulaysatay tartan dhanka waxbarashada ah degmooyinka kala ah Carmo Ufayn iyo Jariiban .

Waxaana uu kusoo dhamaaday safarka ay ku tageen Xarfo iyo Bursaalax masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Puntland guul , Iyagoona kala kulmay bulshada deegaankaas ku nool soo dhaweyn , halka ay lasoo yeesheen kulamo  dhaxal gal ah maamulladda waxbarshada,waxgaradka aqoonyahanada iyo da,yarta .

img_2262 img_2261 img_2260 img_2256 img_2346 img_2344 img_2343 img_2340 img_2338 img_2333 img_2329 img_2314 img_2306 img_2296 img_2289 img_2287 img_2253 img_2249 img_2240 img_2237 img_2235 img_2234 img_2233 img_2232 img_2230 img_2225 img_2220 img_2204 img_2200 img_2198 img_2175 img_2172 img_2165 img_2164 img_2151 img_2149 img_2148 img_2141 img_2280 img_2277 img_2276 img_2275 img_2274 img_2273 img_2271 img_2270 img_2268 img_2265 img_2263Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST