in Kabadan 6 Ruux oo ku Dhimatay qarax ka dhacay Buur-Hakabo

Qaraxaan oo u muuqaday mid Horay loogu sii diyaariyay Maqaaxi ku taala baramaha Degamada Buur-hakabo  Ee Gobolka Baay Koonfurta Somalia.

Qaraxaan Ayaa waxaa ku  Naf waaysay 6-ruux oo iskugu Jiray  Dad radayd ah iyo Askar ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed halka Tiro intaa ka badana aya ku dhaawacmeen.

Goobata Qaraxo uu ka dhacay ayaa aheyd maqaaxi inta badan ay fariistaan Ciiidamada Amaanka ee Degmada Maamulka koofur galbeed ee degamadaas Buur-hakabo xiliyada ay ka nasasha ay shaqada.

6-ruux ee qaraxaan ku dhintay ayaa kala ahaa 3-askari oo ka tirsan Ciidamada amaanka Degmada iyo 3-ruux oo rayada ah into badan ku jiray Gudaha Maqaaxida la weeraray.

Saraashiisha Amaanka Maamulka Koofug Galbeed ee Degmada Buur-hakabo ayaa Warbaahinta u Sheegay inay ku Howlan yihiin Baaritaan Dhab ah oo lagu sameynyo sida oo soo abaabulay Qaraxa dad ku ay ku Dhinteen maanta ka dhacay Degmadaas-

isgaarsiinta dagmada ayaa Qaraxa ka Dib Hawada laga Saaray Mana Cada Sababta ka Danbaysa.

PUNTLAND POST MUQDISHO OFFICE