AMAL GROUP OO BOSASO KU SOO BANDHIGTAY SHIRKAD ISGAARSIINEED OO LAGU MAGACAABO AMTEL

Munaasabad lagu Daahfuray Shirkadda Amtel, isla markaana lagu soo Bandhigay Adeegyo Casri ah oo uu soo kordhiyay Bangiga Amal, ayaa ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Munaasabad ayaa waxaa ka qayb galay Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Ganacsato, Culumaa’udiin iyo qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Boosaaso..

Maamulaha Guud ee Bangiga Amal Dr. Siciid Cali Shire oo Daahfuray Munaasabada ayaa ku dheeraaday Adeegyada Casriga ah ee Bangiga Amal uu kuso kordhiyay bulshada, wuxuu sheegay in Adeegyada cusub ay yihiin kuwo ka jawaabaya baahida bulshada.

‘’Waxaan aad ugu faraxsanahay innaan idiin soo Bandhigno Adeegyada cusub ee Bangiga Amal, runtii Boosaaso waxay noo leedahay Ahmiyad gaar ah maadama ay tahay meeshii ugu horaysay oo laga yagleelay Bangiga Amal, waxaan doonaynaa innaan qayb ka noqono hormarka Ganacsiga’’ Ayuu yiri.

Mar uu ka hadlayay Caqabadaha haysta Ganacsatada ee ay xalkeeda laga helayo Amal ayaa wuxuu yiri……‘’Waxaa jira Ganacsato ka cawda caqabado ka horyimaada Ganacsigooda, sidaa daryeed waxaan idiin keenay Koox gacan ka gaysan doona Koboca Ganacsiga, si Ganacsatadeenu ay ula Jaanqaadan Tijnooloyada ayna u helaan Adeeg wannaagsan waxay Amal soo kordhisay qaybta Amtel ’’.

Dr, Siciid Cali Shire ayaa sheegay in Bangiga Amal uu yahay Bangi Caalami ah oo buuxiyay Shuruudihii laga doonayay, isla markaana uu hormuud u yahay Bangiyada Soomaaliyeed.

‘’Bangiga Amal maxaan ku xulanaynaa, waxaan ku xulanaynaa kow lahaansho Sharci, waan idiin ka digayaa Bangi aan Laysan ka haysan Bangiga dhexe ee Soomaaliya inaad la Macaamiishaan, si fudud ma jirto Bangi ugu guulaysan kara Laysan, ogow Amal waxay ugu horaysaa Lixda Bangi ee Laysanka ka haysta Bangiga Dhexe, Arrinta 2-aad ha noqoto hawlwadeenada, waxaad kale oo aad awooda saartaan Imisa ayuu jiray Bangigan, waxaad kale oo qiimaysaa Hantida ma guurtada ah ee wadanka uu ku leeyahay, waxaa kale oo muhiim ah Bangiga Adeegyada uu dadka ugu tala galay iyo arrinta ugu muhiimsan oo ah ku dhagnaanta Sharciga’’ Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Madaxa Suuqgeynta iyo Istaratiijiyada Bangiga Amal Cabdikheyr Axmed oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in Adeegyada Bangiga Amal uu ka jawaabayo baahiyada bulshada ay u Adeegayaan.

‘’Si aad Bangiga Xiriir ula yeelato waxaan kuu diyaarinay Adeeg kasta oo ka jawaabaya baahidaada, haddii ay ahaan lahayd dhinaca Ganacsiga, haddii ay ahaan lahayd dhinaca shaqsiyaadka iyo wax kasta oo ay u baahan yihiin Qurbajoogtu, intaas waxaan ku darnay Adeegyo kale oo aan ku hormarinayno bulshadeena’’ Ayuu yiri Cabdi Kheyr.

Madaxa Suuqgeynta iyo Istaratiijiyada Bangiga Amal Cabdikheyr Axmed, ayaa sheegay in Bangiga Amal ay bulshada qaybaheeda kala duwan ka furan karaan Akoono, ayna u diyaariyeen Adeegyo tayo leh.

Guddoomiye ku xigeenkii Shirkadda Amtel Yacquub Oorshe, ayaa sheegay in Shirkadda Amtel ay furtay Sheerar gaaraya illaa 8000,000 Milyan oo Doolar, wuxuu sheegay in Sheerka ugu yar ee ugu yare ee qofku ku darsan karo uu yahay 5,000 oo Doolar.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Cabdi Waaberi, oo ka mid ahaa marti sharafta ka hadashay Munaasabada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan Amal, wuxuu sheegay in Amal ay tahay hormuudka Shirkadaha.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo soo xiray Munaasabada, ayaa soo dhoweeyay hormkarka ay Shirkaddu gaartay, wuxuu bulshada ugu baaqay inay Maalgashadaan Shirkadda Amal.

Intii Munaasabadu ay socotay ayaa goobta lagu soo Bandhigay Madaxda Shirkadda ee Gobolka Bari iyo Sanaag Bari, kuwaas oo kala ah;-

1-Dr. Maxamed Faahiye.

2-Jaamac Ciise.

3-Axmed Dalaan.

Si kastaba ha ahate, Madax Sare oo ka tirsan Shirkadda Amal oo ku sugan Boosaaso ayaa qabanaya Barnaamijyo kala duwan oo ay bulshada ku dhaqan Boosaaso Aqoontooda kor ugu qaadayaan.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

28515

31713111497261016

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST