Kooxaha Barcelona, Arsenal, PSG, Atletico Madrid & Bayern Munich oo Guulo Waaweyn Gaaray iyo Natiijooyinkii kulamadii xalay Dhacay

natiijooyinkii

Waxaa xalay garoomada Qaarada Yurub laga cayaaray koobka horyaalada yurub kulankiisii saddexaad ee heerka groupyada ee Champions League-ga, iyadoo kooxaha ugu tunka weyn ay gaareen guulo waaweyn.

Kooxda Arsenal ayaa si xun Emirates Stadium ugu awood sheegatay kooxda Ludogorets Razgrad kadib markii ay 6:0 ku garaacday waxaana kulankan saddexley ka dhaliyay Mesut Ozil halka Alexis Sanchez , Walcott, Chamberlain  ay mid halgool dhaliyeen.

Dhanka kale kooxda Paris Saint Germain oo ay Arsenal kawada tirsan yihiin ayaa 3-0 ku garaacday kooxda Basel.

Kala sareynta Group A

  • Arsenal                              7
  • PSG                                     7
  • Basel                                   1
  • Ludogorets Razgrad    1

Dhanka kale kulamadii  Groupka B ayaa ahaa kooxada SSC Napoli 2-3 laga badiyay iyo Benfica 2-0 uga badisay kooxda Dynamo Kyiv

Kala sareynta Group A

  • SSC Napoli              6
  • Besiktas                   5
  • Benfica                    4
  • Dynamo Kyiv        1

Barcelona ayaa iyana Camp Nou ku soo xaquuqday kooxda Manchester City ee uu hogaamiyo Pep Guardiola  iyadoo 4-0 ku garaacday.

Lionel Messi ayaa kulankan saddexley ka dhaliyay halka Neymar JR uu goolka afraad raacsaday dhamaadkii kulankan, Sidoo kale Neymar ayaa iska lumiyay rekoodhe qaladkiisa Messi lagu galay.

Goolhaye Bravo  oo Manchester City ah iyo Jeremy Mathie oo Barcelona ah ayaa  kaadhka cas qaatay.

Dhanka kale kooxda  Borussia Moenchengladbach 2-0 uga badisay kooxda Celtic oo ay Group C kawada tirsan yihiin

Kala sareynta Group C

  • Barcelona                                             9
  • Manchester City                                 4
  • Borussia Moenchengladbach       3
  • Celtic                                                      1

Dhanka kale kooxaha Bayern Munich iyo Atletico Madrid ayaa ina guulo gaaray, kadib maekii  Atletico Madrid 1-0 ugu awood sheegatay kooxda FC Rostov, halka Bayern Munich 4-0 ku garaacday kooxda PSV Eindhoven.

Kala sareynta Group D

  • Atletico Madrid                   9
  • Bayern Munich                   6
  • PSV Eindhoven                   1
  • FC Rostov                              1

 

PUNTLAND POST