Haweenay uga guulaysatay saddex rag ah Doorashada Aqalka sarre

siciid-xusseenGarowe (Puntland Post);- Xildhibaan Siciido Xassan Cismaan ayaa baal cusub u rogtay Haweenka Soomaaliyeed, ka dib markii ay caawo fiidkii ka guulaysatay saddex Musharax oo Rag ah oo kula tartamay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna kaga soo baxday Codad Aqlabiyad leh saddex wareeg oo tartan ah oo ay gashay,

Siciido Xusseen ayaa wareegii ugu dambeeyay ee tartanka kaga guulaysatay Musharax Siciid Maxamuud Aadan, waxay Siciido heshay Codad dhan 41, halka Musharaxa ay ka guulaysatay uu helay 23-Cod.

Hoolka ayaa waxaa hal mar isqabsaday sacab iyo sawaxan lagu soo dhoweeyay Xildhibaanada, waxaana ay arrintan ka dhigan tahay inay muujisay in haweenka Soomaaliyeed ay gali karaan tartan furan, ayna guulaysan karaan.

Xildhibaan Siciido ayaa shalay Baarlamaanka ka hortiri hadal Garowe caan ka noqday oo ahaa”Xildhibaanoow waxaa la idul saaray culayska saddex rag ah ee iga dulqada”, ka dib markii ay guulaysatay ayay sheegtay inaysan qiyaasi karin dareenkeeda ayna culayskii ka dulqaadeen Baarlamaanka Puntland.

Waxay noqotay Musharaxa ku guulaystay Kursiga 10-aad,waxaana Haweenku ay Qoondo aad u wayn ka heleen Golaha Wakiilada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashada Kursiga kow iyo tobnaad ayaa iminka socota oo ay ku jirto Haween, waxaana goor dhow oo caawo fiidkii ah soo bixi doona 11-ka Xildhibaan ee Puntland u matalaya Aqalka Sare, ka dib marka ay soo dhamaato natiijada codaynta socota.

Akhriste kala soco faahfaahinta PUNTLAND POST.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST