Dagaal kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Puntland Post):- Dagaal la isku adeegsanayo hubka madaafiicda, hoobiyaasha iyo lidka diyaaradaha ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug , Waxaana laga maqlayaa guud ahaan magaalada dhawaqa rasaasta hubka waaweyn, mana jiraan ciidamo lug ah oo isaga  horyimid dagaalkan.

Wararka ay helayso Puntland Post ayaa sheegaya inuu dagaalkan ka bilowday ka dib markii ciidamada Galmudug rasaasta  hoobiyaha ay kusoo rideen Maxjarka Xoolaha ee Puntland ka dhiseyso duleedka xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo .

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, Iyadoona xiisadani sii kordhinayso colaada ka taagan Gobolka Mudug ee u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.