Daawo doorashada Aqalka Sarre oo lagu soo gaba-gabeeyay Garowe

hhfddGarowe (Puntland Post):-Waxaa hoolka Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe, lagusoo afmeeray doorasho waqti badan qaadatay oo loogu codaynayay murashaxiinta xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee dowladda Federaalka Somalia kuwaasoo gaaraya 11 kursi.

Doorashada, waxaa kusoo baxay xubno la saadaalinayay iyo kuwo kale oo si lama filaan ah uga guulaystay shakhsiyaad ay dowlladda Puntland wadatay, waxaana xubnaha la doortay kala ahaayeen;

  1. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake
  2. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole
  3. Prof. Cabdirasaaq Xasan Cismaan Juriile
  4. Farxaan Cali Xuseen
  5. Cabdisalaam Xaaji Maxamud Dheere
  6. Mahad Sheekh Nuur
  7. Hodan Maxamud Cusmaan
  8. Bootaan Bare Samatar
  9. Maxamud Axmed Maxamuud (Mashruuc)
  10. Siciido Xasan Cismaan
  11. Iyo Shukri Aadan Maxamed.

fsfhhDhinaca kale Warbaahinta Puntland Post ayaa halkan idinku soo bandhigaysa qaabka ay u dhacday doorashadu iyo sida loolanku u dhex maray Musharaxiintii ku tartamaysay inay Puntland u matalaan aqalka sarre ee baarlamanka Soomaaliya

Kursiga 1aad.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa 47 cod uga guulaystay Aamino Aadan Cabdulaahi oo heshay 17 cod, waxaana xumaaday 1 cod, waxaana sidaas ku guulaystay kursigii 1aad Cumar Cabdirashiid .

Kursiga 2aad waxaa ku tartamay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo helay 59 cod halka uu helay Cabdimahdi Abshir Cismaan oo ahaa musharaxii la tartamay 5 cod, Waxaana xumaaday hal cod.

Cabdirasaaq Xasan Cismaan (juurile) iyo Hodan Ismaaciil ayaa ku tartamay kursiga 3aad, waxaana dhex maray labadan musharax loolan aad u adag, Wuxuuna Prof Juuriile hal cod uga guulaystay gabadhii la tartamaysay oo magaceeda la yiraahdo Hodan Ismaaciil oo heshay 32 cod

gggKursiga 4aad waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ah Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo ah siyaasi ruugcadaaya iyo Farxaan Cali Xuseen, Waxaana ku adkaaday Farxaan Cali Xuseen oo helay 36 cod halka uu helay Siyaasi Cali Ismaaciil Cabdi Giir 29 cod.

Kursiga 5aad doorashada aqalka sarre  ee maanta ka qabsoontay Garowe waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ah Cabdisalaan Maxamuud Xaaji Dheere iyo Faarax Cawad Jaamac , Waxaana 50 cod ku guulaystay Cabdisalaan Maxamuud Xaaji Dheere , Ka dib markii uu helay musharaxii la tartamayay 15 cod.

Kursiga 6aad Siyaasi Bootaan Bare Samatar ayaa dhulka ku jiiday Jenaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, ka dib tartan furan oo labada musharax ku dhex maray xarunta baarlamanka Puntland ee magaalada Garowe ,Musharax Bootaan ayaa helay 38-Cod, halka uu helay Jenaraal Moorgan  27-Cod.

ddKursiga 7aad Mahad Sheekh Nuur ayaa 36 cod uga guulaystay Cabdixakiin Axmed Xaashi oo helay 29 cod ,                                                        Halka Kursiga 8aad uga guulaysatay 35 cod Hodan Maxamuud Cismaan oo ah gabadhii 1aad ee loo doorto inay Puntland u matasho aqalka sarre Basra Maxamuud Geele oo heshay 30 cod.

Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc iyo Faadumo Siciid Maxamed ayaa ku tartamay kursiga 9aad , waxaana 56 cod ku guulaystay Maxamuud Axmed Maxamuud , Halka ay heshay Faadumo Siciid Maxamed 8 cod oo kaliya

siciid-xusseen
Siciido Xasan

Guusha Xildhibaan Siciido Xassan Cismaan waa mid baal cusub u rogaysa Haweenka Soomaaliyeed, Madaama caawa fiidkii saddex Musharax oo Rag ah oo kula tartamay Aqalka Sare, kaga guulaysatay Codad Aqlabiyad leh ka dib markii ay la gashay Siciido Xasan saddex wareeg oo tartan Adag ah, Kursiga 10aad ,waxayna aakhirkii ku guulaysatay oo heshay Siciido Xasan 41 cod.

Kursiga 11aad ee xubnaha Puntland u matalaya Aqalka sare waxaa ku guulaysatay Shukri Aaden Maxamed Camey oo heshay 38 cod, Iyadoona ka guulaysatay Seynab Xaashi Biixi oo heshay 24cod.

Hoos ka daawo Sawiradda Doorashada Aqalka sarre ee lagu qabtay Garowe

ccf chh ddd dddjj ddgf fg fsfhh g h hhfdd jg jj jjdd jjgfg jjh jjhg jjjff jjjgg kk large sfff

large hdg gh ggg fd eed ddAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST.