Cabdislaan Xaaji Dheere oo ku guulaystay kursiga 5aad ee aqalka sarre

5i2a6996Garowe (Puntland Post):- Kursiga Shanaad ee aqalka sare Puntland waxaa ku guulaystay Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere , wuuxuna ka guulaystay Faarax Cali Cawad .

Cabdislaan ayaa helay 40 Cod, Faarax Cali ayaa ina helay 25 cod , guddiga doorashada baarlamaanka ayaa shaaciyey qofka ku guulaystay kursiga shanaad ee aqalka sare, markuu dhamaaday codaynta baarlamaanku.

Waxayna sheegeen in Cabdisalaan Xaaji uu kusoo baxay kursiga shanaad ee aqalka sare , islamarkaana uu kamid noqonaya Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Farole, Cabdirisaaq Jurile iyo Farxaan Cali Xuseen.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.