Liverpool iyo Man United oo Barbar-dhac Galay

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ee horyaalka Premier League ayaa barbardhac goolal la’aan ah ku galay garoonka Anfield, kulan aad u xiisa badnaa oo Klopp iyo Mourinho ay saddexda dhibcood ku qaybsadeen.

Kulanka oo ay fursadihiisu aad u yaraayeen ayaa kubad haysiga iyo fursadihii la helay ku saraysay kooxda Liverbool  oo inta badan maamulaysay ciyaarta.

Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkaan Man United ka ceshata shabaqeeda kulan horyaalka Premier League ah.

David De Gea  gool hayaha Man United ayaa noqday halyayga Manchester United, ka dib markii uu sameeyay labo gool badbaadineed oo layaableh isla markaana muujiyay tayadiisa ciyaareed.

Kooxda Liverpool ayaa si kastaba 8 kulan kaddib kaalinta 4-aad ku fadhida 17 dhibcood, halka Man United leedahay 14 dhibcood.

Waa markii ugu horreysay tan iyo bishii September 2005tii ee ay barbardhac goolal la’aan ah kusoo dhammaato ciyaar u dhexeysa kooxaha Liverpool iyo Man United.

m1 m2 m3 m4 m6 m7 m8 m9 m10
PUNTLAND POST