Shirkadda Amal oo Garowe ku soo bandhigtay shirkadda Isgaarsiinta AMTEL

Shirkad Amal Group ayaa xalay magaalada Garoowe ku qabatay xaflad ay ku soo bandhigtay shirkad cusub oo isgaarsiineed loona bixiyay Amtel, xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida ganacsato, aqoonyahan, qurba jog iyo dumarka.

Ugu horeyntii waxaa xaflada ka hadlay maamule ku xigeenta shirkada Amtel, ahna asaasaha xawaalada Amal Express Yacquub Mohed Isse Orshe, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ waxaa Alle mahadiis ah in aan Asaasay Xawilaada Amal Express mudda laga joogo 19 sano, maantana

Amal waxay ka kooban tahay shirkado waaweyn oo kala duwan sida Amal Bank, Amal Express, Amal Real satate, Amal Trade, guushaas iyo hormarkaas ay Amal group Gaartay iyadoo kaashanaysa ayay soo kordhisay shirkad isgaarsiineed oo hawada si toos ah usoo galaysa lixbilood gudahood”.

Maamule ku xigeenka Amtel Yacquub orshe ayaa daaha ka qaaday in Amtel fursad weyn bulshada soo hordhigtay, fursadaas oo ah in ay furtay sheerar gaaraaya ilaa 8,000,000 sideed malyan oo doolarka maraykanka ah, sheerka ugu yare e qofku ku darsan karo waxaa weeye shan sheer oo u dhiganta $5,000.

Maamule ku xigeenka Amtel Yacquub orshe ayaa bulshada ugu bishaareeyay in shirkadaan cusub ee Amtel haysato 250 xarumood oo dalka gudihiisa ku yaala una diyaarsan in shirkadu ugu adegto macmiisheeda,

Dhanka kale maamulaha guud ee Amal Bank, Mudane Siciid Cali Shire oo xaflada ka hadlay ayaa cadeeyay in Amal Bank uu maanta macmishiisa ugu adeegaayo tiknaloojiyadii ugu damaysay ee ay isticmaalaan bangiyada caalamku, ayna ku soo kordhiyeen deegyo badan oo casri ah kana qeyb qaadanaaya daboolida baahiyaga bulshada sida online Banking, Business Banking, haddana ay soo wadaan Mobile transfer Money.

Dhamaan masuuliyiintii ka hadlay xaflada ayaa soo dhoweeyay shirkada isgaarsiinta Amtel tilmaamayna inay ka mid tahay ififaalaha tusinaaya in wadanku soo kabanaayo hormar lataaban karana uu ka jiro, inayna rajaynayaan bulshadu ka helidoonto shaqo abuur iyo fursado ay lacagtooda ku maalgashan karaan, masuuliyyintan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cabdi Farax juxaa, Suldaan Cabdiqani Qorane, Garaad C/salaam Xasan, marwo Sahro Xubeero, Dr Abdiraxmaan Mohamed Cabdi Xaashi.

amtel-garowe00

amtel-garowe0

amtel-garowe1

amtel-garowe2

amtel-garowe3

amtel-garowe4

amtel-garowe5