Manchester United iyo Liverpool oo Fooda Is Dari Doono Caawa Kulan Xiiso Badan

Ciyaar aad u xiiso badan oo kamid ah Ciyaaraha Horyaalka Dalka ingiriiska ayaa caawa garoonka Anfield ee kooxda Liverpool kuwada ciyaari doono kooxaha Manchester United Iyo Liverpool.

Kulankaan oo ah mid caawa 10:00 laga daawan doono geeska Afrika ayaa waxaa si aad ah u sugayo dhamana dadka xiiseeya daawashada kubada Cagta ee Dunida.

Labadaan Kooxood ayaa ah kuwo Cadow isku ah waana ciyaarta labaad oo ugu Roosaha badan Dunida Marka ay Ciyaarayaan labadaasi kooxood.

Liverpool ayaa hadda waxa ay ku jirtaa kaalinta Afaraad ee kala horeeynta Horyaalka Dalka Ingiriiska iyada oo leh 16-dhibcood.
Halkan kooxda Manchester united iyana ay ku jirto  kaalinta 7-aad iyada oo leh  13- dhibcood .
Kulankaan ayaa waxaa dhex dhexaadin doono garsoore Martin Taylor.
Safka Macquulka ah Ee Liverpool.
 lineup-1308
Safka Macquulka Ah Ee Manchester United ay ku Soo Gali Doonto Garoonka Caawa ayaa isna Ah.
lineup-1309
Xasan Maxamed Samatar Cowke 
Puntland Post Muqdisho